Uncategorized

Amoud University: Kow bay ahayde maxaa karkaarka waydaarshay?

Kalo Garo dan guud iyo dan gaara!

Waxaad la socotaan in dadka qaar ka dhawaajiyeen walwal ay ka qabaan dib u dhac weyn oo ku yimid Jaamacadii Camuud ee ahayd hooyadii Jaamcada Soomaliyeed. Walwalkaas soo shaac baxay wuxuu keenay qoraalo dhowr ah oo dhaliisha saaraya Gudoomiyaha Jamacada, Prof. Suleemaan Axmad Guuleed oo taniyo aas-aaskii Jamacada hogaanka Jamacada haya.

Jamacada Camuud sideedaba waa Jamacadii ummada ee wadajir lagu yagleelay, dadaalkaas oo maanta magac weyn ay ku leeyihiin bulshada Awdal-Salal iyo Gabilay ka so jeeda oo maalin aan Somali maanka ku hayn waxbarasho awooday inay dhidibada u taagaan hoy aqooneed soomalida ilowsiiya qoriga dabka leh una horseedaan in danta soomali ay ku jirto in qalin la qaato, qorigana layska dhigo.

Sidaas awadeed waxaa waajib ah in maqaamkaa danta guud ah la wada ilaashado lagana ilaaliyo wixii dhiila ah ee ku iman kara. Mar haddii ay dan guud tahay cidkastoo danaynaysa danta guud waajib ayay ku tahay inay wixii dhaliila ah ay ka sheegto si loo daweeyo ileen waa dantii iyo aayihii caruurteenee. Jamacad maaha mid qabiil taana waxaa ka markhaatiya qaabkii iyo olalihii wadaraysnaa ee lagu aas-aasay. Jaamacadu waa hoygii ay ka soo baxayeen masuuliyiinta ummada hogaan u noqonaysaa, jamacaduna waa halkay ku soo baranayeen dimuqaraadiyada ummada lagu hagi doono. Sidaa awadeed marka Jaamcada maamulkeeda, waxbarshadeeda iyo aayaheega wax laga sheego yaan loo qaadan in dad gaara loo jeedo, kuwa sidaas wax u arkayaana waa dad aan fahmin mihiimada, yoolka iyo ujeedadii Jaamacada loo sameeyay.

Intaasi waa aaraar e, Bal aan eegno waayaha Jamacada Camuud inagoo barbar dhigayna kuwa ay la tartamayso ee iyada ka daba yimid iyo walaaca dadka qaar muujiyeen inuu dhab yahay iyo inkale.

Amoud University (AU) Halkay Maraysaa?

AU waxaa la aas-aasay November 4th, 1998 -kii waxayna ahayd jamacadii ugu horaysay ee la furo taniyo burburkii dawladii dhexe ee Somalia 1991-kii. AU waxaa saldhig looga dhigay dugsigii sare ee Amoud ee magaca weynaa oo laftiisu ahaa dugsigii sare ee ugu horeeyay ee Somaliland laga furo wakhtigii Ingiriisku dalka haystay. Samcad ahaana magacaasi waa hantida u weyn ee Jamacada Amoud leedahay karaamadeedana door weyn ku leh.

Dadaalkaa ka dhashay fikir xalaal ah oo cafimaad qabaa wuxuu noqdey mid dhaliya himilo sare oo soomalida inteedii kale ku dayato. Sidii dugsiga sare ee Camuud magaca weyn u lahaa iyay Jamacada Camuud magac weyn u heshay balse cidna uma fadhiyin dib u dhac ku yimaad Jamacadaas. Dib u dhacaas waxaa ka dhawaajinaaya dadweyne faro badan kuwa fogaal aragoogu dheer yahayna bilowgiiba waxay hoosta ka xariiqeen in maamulka jamacadu leeyahay dhaliilo waxyeeli kara mustaqbalkeeda.

La yaab ma leh in baryahan dambe saxaafada lagu arko maqaalo daaha ka qaadaaya maamul xumo baahsan oo Jamacada soo foodsaaray mudana socday. Xaqiiqadaas jirta in laga hadlo oo la falanqeeyaa waa waajib saran cidwaloo danaynaysa aayaha ummada, ciddii ku qoonsataana way gafayaan. Maxamad Abiib Yusuf oo ah muwadinka maqaalada Amoud ka hadlaaya shaaciyay wax ceeb ah ma sheegin balse wuxuu gutay waajibkiisii muwaadinimo dadka noocaas ah marka bulshada laga waayana bulshadu mugdibay gashaa.

2010-kii ayaa gabadh dhakhtarad ah oo hawlo jamacada la xidhiidha ku gudajirtaa ka dhawaajisay in tayadii Jamacadu hoos u socoto iyadoo hoosta ka xariiqday in ardayda jamacadu af ingiriiskoodu hoos u yaal sobobtana waxay u nisbaysay Gudoomiyaha oo macaliin u qaata ardayda digiriiga hore ka qaata jaamacada.

Si aad uga bogataan xaqiiqada ah in Amoud University dib u dhacday bal ka bogta daraasadan lagu qiimeeyo heerka jaamacadaha adduunka oo ay ku jiraan kuwa Somalia ku yaal.

University in Somalia

2012 University ranking

Somalia Ranking Name Word Ranking Place
1 Magadisho University 2476

(35 in Africa)

Magadisho
2 University of Burao 8110 Burao
3 Puntland State University 9216 Garowe
4 University  of Hargaysa 9422 Hargaysa
5 Nugaal University 9481 Las Anod
6 East Africa University 9514 Bossaso
7 Banadir University 9517 Magadisho
8 Amoud University 9924 Borama
9 Kismayo University 10131 Kismayo
10 Sanag University of Science and Technology 10159 Ceerigabo
11 Plasma University 10176 Magadisho
12 Somaliland University of Technology 10389 Hargaysa
13 Simad University 10435 Magadisho
Source: http://www.4icu.org/Africa/  or  http://www.4icu.org/so/

 

Daraasadan oo ah tii u dambaysay ee la sameeyay sanadkan 2012 waa mid run ahaan ka nixinaysa daadkii u soo halgamay Jamacada Camuud ee u hanwaynaa. Waa dhabarjab aan loo fadhiyin waana nasiib daro weyn waana dhacdo waaqici ah oo ummadu xaq u leedahay inay ogaato sobobaha keenay in maanta Amoud noqoto jaamacada sideedaad ee Somalia.

Muuqaalkaa daraasadan ka muuqdaa ee xaqiiqada ah waa mid muujinaaya waxaan loo fadhiyin. Amoud University ayaa kalinta koowaad bixi mooyee cidna uma fadhiyin inay tan Kismaayo bundiyo dheeraato. Walaalayaal Jamacada Muqdisho hadalkeeda daa, waayo iyadu waxay ku jirtaa kaalin lagu farxo waxayna la tartamaysaa jaamacadaha ugu waaweyn ee dunida sadexaad. Waxay tahay jamacada 35aad ee Afrika ama tan 2476aad ee addunka. Burco oo aad ogtihiin wakhtigii la furey ayaa Somaliland kaalinta koowaad ku hogaaminaysa, waana ta labaad ee Somalia halka ay adduunkana ka tahay  tan 8110aad. Tan Muqdisho iyo tan Somaliland ugu horaysa oo Burco ah waxaa u dhexeeeya 5634 darajo ama jamacadood.

Hooyadii jamacadaha Somalia ee Amoud waxay taagantahay kaalinta 8aad, addunkana waxay ka baxaysaa tan 9924aad. Burco waxay Amoud ka horaysaa 1814 darajo ama jamacadood! Muqdishana waxay ka horaysaa Amoud 7448 darajo ama jamacadood! Soo yaabka yaabkiis maaha?

Dadka qoonsanaaya wax ka sheega ama dhaliisha la dhaliilaayo maamulka iyo gudoomiye Saleemaan bal jawaab ha u heelaan sawirkaa naxdinta leh.

Ma lulatee maxay leeftaa?

 

Falaadhi Gilgilasho Kaagama Go’ydo

 

Ka dib maqaalo dhaliilaaya maamulka Camuud markay soo baxeen, gudoomiye Saleemaan wuxuu qabtay xaflad lagu shaacinaaya in Camuud laga bilaabaayo aqqonta Master-ka iyo PHD. Really? Markaan ognahay heerka Jamacadu marayso, tayada bareyaasha iyo wax aka soo yeedhay Saleemaan waa keef iyo kala dheeri. Jaamca xaqiiqaa lagu wadaa, maaha lab-lakac ama in arkaay. Caqliga way ka wayntahay in Camuud Master iyo PHD lagu diyaariyo iyadoon maamulkeeda iyo xaqiiqada loo daadegin balse waxy u eegtahay arrin cilmi ahaan sal lahayn balse aad moodo in rayal-caamka lagu khaldayo. Jamacadse waa halka wax lagu saxo ee maaha meel wax lagu khaldo. Siday doono ha u jeedee aan si wadno faaladeenii iyo mawduuceenii.

Maxaa sobobay dib u dhacan naxdinta leh?

Su’aashase ugu mudan miyayna ahayn inaan isweydiino waxa sobobay iyo cidda ka masuul ah jabkaa Amoud University ku dhacay ee dhabarjabka ah?

Haddaan ku foorarsado jawaabta, dib u dhacaas Camuud waxaa ugu horayn loo nisbaynayaa maamul xumo bilowgiiba marooriyay seeskii Amoud University.

Sidaan kor ku sheegay, Amoud university ma leh Board ama Gudi sare oo u qalanta oo maamulka ka masuul ah. Bilowgiiba waxaa Gudi looga dhigay odeyaal aaqilo ah oo masuuliyad kaloo sharaf leh dadka u hayay balse wax aqoona u lahayn maamul jaamacadeed.

Jaamacaduhu waxay leeyihiin qaab caalamiya oo loo maamulo. Caadi ahaana Gudiga Jaamacaduhu ( Board)waa kuwa ka masuulka ah maamulka iyo siyaasada lagu hagaayo jaamacadaha. Gudigaas ayaa dejisa habka loo maamulaayo jamacadaha, iyadaa dajisa miisaniyada jamacadaha iyadaana magacawda Gudoomiyaha Jamacadaha. Nasiib daro Amoud university xeerkaa jamacadaha u dajisan kuma shaqayso waayo waxaa jirta in Gudoomiyuhu isagu magacaabo gudiga Board-ka. Waa mijihii oo madax laga yeelay!

Mar haddii qodobkaa lafdhabarka ah bilowgiiba lagu gafay, waxa kaloo dhan wuu khaldamayaa waayo hal booli ihi nirig xalaal ah ma dhasho. Waana sobobta ugu weyn ee keentay inay Jamacadu dib u dhacdo. Mar haddii madaxii xalaal ahayn wax hagaagayaa ma jiri karo. Waana halka uu ku toosnaa Maxamad Hirsi Bahal markuu lahaa dhiig cusub in Amoud lagu shubi ayaa loo bahan yahay.

Shaqsi ahaan weerar laguma aha professor Saleemaan balse laftiisu waa inuu muujiyaa hogaanimo waayo waxaa xaq loogu leeyahay in lala xisaabtamo su’aalaha waaweyn ee dadku isweydinayaana ka jawaabo. Haddii Amoud magac yeelan lahayd bilad sharafta ka xidhan lahaa waa Gudoomiyaha mar hadday dib u dhacdayna ka masuuliyada iska leh waa isaga iyo board-ka u magacawday. Hogaamiyaha dhabta ah waxaa lagu gartaa kartida uu u leeyahay inuu xilka wareejin karo, siduu yidhi geesiga Nelson Mandela.

Amoud university waxaa ka maqan maamul hufan oo leh nidaam lagula xisaabtamo. Siyaasad cad oo mugdi ku jirin ayaa loo bahanyahay in lagu hago maamulka jaamacada. Jamacadu maaha tukaan shaqsi leeyahay. Ardaydu waa inay maamulka ama gudiga sare ee Jamacada maamusha (Board) xubin ka ahaadaan. Waa in ninka muwaadinka ihi markuu u baahdo jaamacada ka heli karo dhaqanxisaabeedka jamacada shidaalka u ah. Sidoo kale, nidaam maliyadeed iyo miisaniyeed jamacada sal u ah kama jirto Amoud University lagamana hayo faafin ku saabsan xisaabaadkeeda. Waad garan kartaan in Camuud dib u dhaceegu ku aroorayo qodobadaas kor ku xusan oon ka soo maanguurinay qodobada la eego marka jaamacadaha tayadooda la qiyaasayo, hoosna ka eeg iyagoo ingiriis ah.

1)       Clear accountability structures for responsible officers are not in place.

2)       Amoud university has not developed quality assurance policies and procedures

3)       Staff, students and external scholars are not represented on governance structures

4)       Financial and budgetary procedures are not known and not adhered to by the institution

5)       Amoud University never published income and expenditure statements

Sobobahaas oo dul mar ah ayaa sal u ah dhibaatooyinka dhamaantoodna waxay ku aroorayaan maamulka uu madaxa ka yahay Gudoomiye Saleemaan. Intaa waxaa dheer sifooyin naxdin leh oo ka xaraan ah jaamacad oo loo nisbaynaayo Gudoomiyaha. Sidaa Awadeed gurmad degdeg ah ayay Amoud u bahantahay haddii xaqiiqada laga duulayo.

Jamacada Hargaysa bishan july 2012, 12-keedii ayaa Gudoomiye cusub loo doortay iyadoo loo maray hab maamul hufan oo ay ku tartameen 20 aqoonyahan. Waanad u jeediin inay maanta ka tayo fiican tahay Camuud. Waxkalena maahee maamul iyo dimuqaraadiyad maamulka ka dhex muuqata ayaa laysku dhaafay.

Maxaa dawo ah?

Haddaba ma malo awaal baan ka hadlaynaa mise xaqiiqo jirta iyo aayaha Jamacadeena?  Soo mustaqbalkii ummada maaha marka laga hadlaayo Jaamacad? Soo agabkii aan wadalahayn maaha?  Soo inaan kala garano maaha wax lagu kala qaybsamo iyo aayaha ubadkeena? Soo inaan garaadaysano maaha? Wixii laynagu tuhmaayay miyaan beenaynaa oon ka doorbidnaa nin jaclaysi iyo mabaadii xaraan ah? Miyaan aamusnaa oon is-dhagoolaynaa mise danta guud baan u hiilinaa?

Su’aahsa maanta hortaala Maamulka Camuud iyo Gudoomiye Saleemaan waxa weeyi: Kowbay ahayde maxaa karkaarka waydaarshay hooyadii Jamacadaha?

Jaamacadu hogaankeedu waa inuutusaale ahaado maaha inuu xukun jecayl, tanaasul la’aan iyo qabyaalad tusaale ku noqdo. Waa inuu ogalaadaa inuu ummadu xaq ugu leedahay xisaabtan ileen shacbigu waa booska maamulka jamacadee sidaa awadeed dadweynuhu waajibuu ugu leeyahay inuu la xisaabtamo.  Jamacadu ma noqon karto meel cid gaara lagu xaqdhowro mar haddii ay tahay hantidii bulshada, bulshadaas oo xaq u leh inay ogaadaan waayaha ay ku sugantahayJamacadu iyo heerka kolba ay marayso. Fool timidba gudo-qarsiimo ma jiree maxaa inoo dan ah?

Shiki kuma jiro in lagama maarmaan ay tahay in la daba qabto Amoud University si hooyadii Jamacadaha Somaliyeed kalinteedii loogu soo dabaalo. Sidaa awadeed waa lagama maarmaan in Amoud yeelato Gudi sare (Board) oo cusub kuna jiraan bulshada raydka ah sida ururada bulshada, bayacmustarka deeqa u fidiya jamacada, aqoonyahano gaar ahaan aqoonyahanada jamacada reer galbeedka wax ka dhiga iyo aqoonyahano shisheeye ah. Waxaa jirta in Gudoomiyihu talooyin noocan ah oo ka soo yeedhay aqoonyahnada ugu mug weyn bulshada soomaliyeed u iska dhago tiray sida ku cad hadal ku xusnaa warbixin u qoray professor Warsame, Hussein September 2005-kii ka dhawaajiyay talo uu siyay xubno odeyaal ah oo Boad-ka ka tirsanaa:

“We, especially Mr. Said Salah, pointed out to the group (Board) from the university that a board of directors that includes outsiders with technical knowledge about universities and subject areas would add credibility and transparency to the operations of the university”.

Inkastoo talooyinkaas horey layskaga dhagotiray, maanta ayay taagantahay baahidaasi. Gudugaa sare eel agama maarmaan ka ah ayaa dooran doonta gudoomiye cusub oo dardar cusub galiya jaamacada, waana sida qudha ee agabkii ummada lagu badbaadin karo.

Inta taa la gaadhayo waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in guddi madax banaan oo aqoonyahana ah la magacaabo si ay ula xisaabtamaan maamulka Jamacada wakhtiga kala guurkana si ku meel gaadha hogaanka Jamacada loogu wareejo, ileen waxbarashadii way soconaysaaye. Waa talo muwaadin.

Xeegonews Editorial