Mogadisho, 14, July, 2012(SDN)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee Ururada Dhalinyaradda Soomaaliyeed, Iyagoona ka wada hadlay sidii ay dowladda Soomaaliya iyo Dhalinyaradda ay u wada shaqeyn lahaayeen, Sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen dadaalada Siyaasadeed ee hadda socda iyo waliba sidii ay xiriir wada shaqeyn ah ula yeelan lahaayeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Waxaana kulanka soo qaban qaabiyay Agaasimaha Dhalinyaradda ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mr. Cabdulqaadir Khaliif Telegaraas.Waxaana Sidoo kale Kulanka goobjoog ka aheyd Marwada Ra’iisul Wasaaraha Hodan Saciid Ciise.
Ugu horeyn Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay la kulanka Qeybaha kala duwan ee Ururada Dhaliyaradda Soomaaliyeed islamarkaana tilmaamay in Dhalinyaradda ay yihiin kuwa hormuudka u ah dalka.
“ Waxaan maanta aad ugu faraxsanahay inaan kulan la qaato Ururada Dhalinyaradda Soomaaliyeed walibana aan ka wada hadleen Xaaladda Soomaaliya, waad ogtihiin dalka waxaa hormuud u noqon kara waa dhalinyaro, marka dal aan dhalin laheyd waa dabar la’aan, Waxaa tihiin awoodii dalka la idin ka rabo inaad gaarsiisaan meel sare oo mustabal leh”.
Sidoo kale Waxaa kulanka ka hadlay Agaasimaha Ururka Kacdoonka La dagaalanka Qabyaaladda (Anti Tribalism) Aadan Mataan oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yihiin la kulanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, islamarkaana tilmaamay in Ururkooda uu yahay mid la dagaalamaya Qabyaaladda ay sida xun u isticmaashay Soomaalida qaarkood, Wuxuuna intaasi ku daray in dhalinyaro badan ay ka wacyi geliyeen sidii ay ula dagaalami lahaayeen Qabyaaladda loo adeegsanayo dhanka xun.
Waxaana Sidoo kale iyagana kulanka ka hadlay Jamaal C/raxmaan Axmed, Cawil Maxamed Xuseen, Muna Saciid oo talooyinka muhiim ah goobta ka soo jeediyay.
Kulankaani ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo ay isugu yimaadaan 21 Urur oo dhalinyara ah, Kuwaa oo la kulma Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Islamarkaana ka wada hadla Xaaladda Soomaaliya iyo Sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen Dhalinyaradda.
SDN-Muqdisho
