Uncategorized

Xukuumada oo goaansatay in Boqor Buurbadoow ay sii deyso

Hargeysa July 15,2012(SDN)-Warar loo qaateena oo naga soo gaadhay madaxtooyada Somaliland ayaa tibaaxaya in goaan uu gaadhay madaxweyne Axmed Siilaanyo lagu sii deynayo Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadoow.

Boqor Buur madoow ayaa maxkamada gobolka Hargeysa ay ku riday xukun sanad ah inkasta oo maxkamadu ay ku weyday denbiyadii lagu soo oogay.

Boqorka ayaa haatan dhawr bilood xabsiga ku jira ka dib kolkii la qabtay mar uu dalka dib ugu soo noqday.

Boqor Buurmadoow ayaa siideyntiisa waxa dalbaday hay’ada u dooda xuquuda aadanaha ee Amnisty.

Amnisty ayaa sheegatay in Boqorka loo heysto fikirkiisa mucaaridnimo ee aanu cidna wax yeelin.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com