Hargeysa 15, July 2012 (SDN)- Wefti uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Seylici) maalmihii u dambeeyay socdaal ku marayay degaamo ka tirsan Galbeedka dalka, ayaa maanta gaadhay degmada Lughaya ee gobolka Awdal.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo weftigiisa ayaa ka hor intii aanay 10-kii subaxnimo ee saaka gaadhin magaalo xeebeeda Lughaya, waxay soo mareen tuulada Jidhi ee degmada Xariirad iyo deegaanada kale, sida Caasha-caddo, Ceel-gaal iyo Lowyacaddo.
Siday ku warantay idaacadda dawladda Raadyow Hargeysa, weftiga Madaxweyne ku xigeenku markii ay gaadheen magaalada Lughaya ay kulamo xidhiidh ah la yeesheen maamulka, Odayaasha iyo waxgaradka kale ee degmadaasi, waxana galabnimada maanta uu madaxweyne ku xigeenku Kormeer ku tegayaa deegaanada Gargaara iyo Garbo-dadar oo ah meelaha ay isugu urureen barkacayaasha ay saamaysay abaarta baahsan ee ku dhufatay gobolada Salal iyo Awdal.
Socdaalka Madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisa ee deegaanadaasi waxaa barbar socda barnaamijyo gargaar oo Xukuumadda Somaliland ay dadka tabaalaysan ku gaadhsiinayso waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolosha bani’aadamka sida Biyaha la cabbo ee saafiga ah, Cuntada nafaqada leh iyo Daawada. iyadoo gudida abaaraha ee labadaasi Gobol-na ay caawimooyin kala duwan ku qaybinayaan meelaha ay xaaladda ugu adagi ka taagan tahay.
Dhanka kalena hay’adda African Relief ayaa deeq gargaar gaadhsiisay deegaanada Garbo-dadar iyo Gargaara oo ka kala tirsan Gobolada Awdal iyo Salal.
Socdaalka Madaxweyne ku xigeenka yo weftiga balaadhan ee weheliya ay ku marayaan deegaanada ay abaarahu waxyeelada u gaysteen waxay dhiirrigelisay dadweynaha Somaliland ee gudaha gaar ahaan ganacsatada, shirkadaha, Qurbajooga kuwaasoo dhamaantood ku gudo jira diyaarinta barnaamijyo lagu kaalmaynayo dadweynaha iyo deegaanada ku teedsan dhinacyada Bari iyo Galbeed ee silsilada buuralaeyda Golis oo ay abaaruhu waxyeelo u gaysteen.
Qurbejoog.com, Boorama
