Muqdisho 19, July, 2012(SDN)- Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan Golihiisa wasiirada ayaa maanta ku booqday Odayaasha Dhaqanka xarunta uu shirku uga socdo.
Ugu horeyn Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Mudane: C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in ay meel fiican marayso xulitaankii ergooyinka, Odoyaashuna ay ku mashquul san yihiin sidii loo soo dhamystiri lahaa inta dhiman ergooyinka. Sidoo kale waxaa uu sheegay in lagu jiro diyaar garowgii ugu danbeeyey oo lagu furi lahaa shir weynihii ansixinta Dastuurka.
Sidoo kale Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane: Cabdulahi Goodax Barre ayaa isna xusay in Odayaashu ay soo dadajiyaan inta harsan Ergooyinka soona gudbiyaan xildhibaanada iyagoo ku soo xulaya sida Dastuurka ku cad in da’adiisu tahay 25-70 jir, Muslim ah, Muwaadin Soomaali ah, iyo in aqoontiisu tahay dugsi sare iyo wixii ka sareeya.
Gudoomiyaha Gudiga Khilaafaadka Odoyaasha Dhaqanka Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sheegay in inta badan ay soo gudbiyeen Ergooyinka inta hartayna ku howlan yihiin sidii ay u soo gudbin lahaayeen ilaa maanta ama barito, isla markaan howshii loo xilsaaray Gudiga khilaafaadka Odayaasha Dhaqanka ay meel wanaagsan marayso kuna guda jiraan xalinta khilaafaadka yar yare ee ka dhex jira Odayaasha Dhaqanka.
Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM Mr Peter Declerq ayaa u mahadceliyaya Odayaasha dhaqanka, Wuxuuna sheegay in Madaxda dowladda ay ka go’an tahay sidii looga bixi lahaa KMG islamarkaana wuxuu tilmaamay in 30% ay helaan Haweenka Soomaaliyeed ayna si gaar ah ula socon doonaan dowrka haweenka.
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey Odayaasha dhaqanka howsha adag ee ay gacanta ku hayaan wuxuuna Odayaasha ka codsaday iney Gudiga Khilaafaadka la shaqeeyaan si howsha ansixinta Dastuurka iyo soo xulida xildhibaanadu u fududaato.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com
