Hargeysa 04, September 2012 (SDN)- Isku-xidhka ururada aan dowliga ahayn ee Xuquuqal-insaanka Somaliland, ayaa xukuumadda xisbiga Kulmiye ugu baaqay inay faraha kala baxdo hawlaha Garsoorka oo ay sheegeen inay bilihii u dambeeyay culays saarttay.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soosaaray guddoomiyaha isku-xidhkaas Mr. Maxamed Cabdalle, ururada Xuquuqal-insaanku waxay cambaareeyeen go’aan uu Sabtidii todobaadkan golaha Wakiilada Somaliland ku laalay xeerkii kootada goleyaasha laga siin lahaa Haweenka iyo bulshada Lahayb-sooco, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan; “Isku xidhka ururada xuquuqal insaanka aan dawliga ahayn ee Somaliland wuxuu halkan ku canbaaraynayaa go’aankan mudanayaasha golaha wakiiladu ku tureen isla markaana ajandaha kalfadhigooda ay kaga saareen xeerkii kootada kuraasta haweenka iyo dadka la hayb sooco.
Talaabadan oo u muuqata mid niyad jab ku ridi karta labada qaybood ee kar aynu ku soo sheegnay kuwaas oo sida ay muujiyeen daraasadihii la sameeyay aanay suurta geli Karin inay cod ku soo baxayaan caqabado jira awgeed ama khibradii laga dhaxlay doorashooyinkii kla danbeeyay ee Somaliland ka qabsoomay.
Isku xidhku wuxuu halkan baaq uga jeedinayaa shir gudoonka iyo mudanayaasha golaha wakiilada,isagoo u soo jeedinaya inay dib uga laabtaan go’aankooda isla markaana xeerka mariyaan majarihiisa sharci.
Geesta kale waxa isku xidhku halkan baaq uga dirayaa Golaha fulinta Somaliland(xukuumada) kaas oo la xidhiidha inay faraha kala baxaan arimaha garsoorka oo ah hay’ad ka madax bananaan waaxda fulinta, kormeerayaasha xuquuqda aadanaha waxay diiwaan geliyeen in labadii todobaad ee ugu danbeeyay xukuumadu culays dheeraad ah saaratay arimaha garsoorka iyagoo ku andocoonaya waxa dalka ka jirta cadaalad daro baahsan, sida muuqata arintan oo kale waa mid saamayn ku yeelan karaysa go’aamada ka soo baxaya garsoorka.
Isku xidhku wuxuu ku boorinayaa waaxda garsoorka iyo hawl wadeenadeeda inay shaqada ay umadda u hayaan ilaahay kaga cabsadaan isla markaana aanay u nuglaan faragelin kastoo kaga timaada cid ka baxsan xayndaabka garsoork.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com
