Uncategorized

Boorama: Madaxweyne kuxigeenka Somaliland oo ka qaybgalay munaasibad shahaadooyin lagu gudoonsiiyay arday ka qalinjebisay Jaamacadda EELO

Boorama 5, September 2012 (SDN)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil iyo wefti uu hogaaminayo, ayaa maanta loogu soo dhoweeyey magaalada Boorame xarunta gobolka Awdal oo ay socdaal hawleed ku tageen.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay socdaalkiisa ku weheliyaan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirada wasaaradaha Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, Dib-u-dejinta Cabdirisaaq Cali Cismaan, wasiirka Shaqada iyo arimaha Bulshada Maxamuud Axmed Bare (Garaad), wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cali Xaamud Jibriil iyo masuuliyiin kale, ayaa maanta magaalada Boorame kaga qaybgalay xaflad loo sameeyey qalinjebinta dufcadii labaad ee ardayda waxbarashada ka dhamaysatay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada EELO ee xarunteedu tahay magaaladaas.

Hadal uu Madaxweyne ku xigeenku ka jeediyey xafladaasi, waxa uu kaga hadlay faa’iidada aqoonta iyo tacliintu u leeyihiin aadamaha, isagoo xusay in culuunta IT-ga iyo Injineernimadu ay xiligan muhiim u yihiin bulshada Somaliland oo doonayso inay u tallowdo xagga horumarka.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu soo jeediyay inay ardaydaasi sii wataan kor u qaadista aqoontooda, iyuagana loo abuuro fursado shaqo oo ay ku anfacaan dalkooda iyo dadkoodaba.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mr. Muuse Biixi cabdi oo isna ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay in Boorame tahay hoyga waxbarashada, jaamacadaha laga yagleelayna ay ka turjumayaan taariikhda soo jireenka ah ee dhinaca tacliinta sare ee Gobolka Awdal uu lahaa mudada dheer. waxuuna ku hambalyeeyey ardaydii ka dhamaysatay waxbarashada kala duwan jaamacadda EELo.

Socdaalka Madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisa ayaa la filayaa inuu qaato muddo sadex maalmood ah, iyagoo ugu kuurgelaya xaaladda nololeed iyo ta bulsho ee gobolka Awdal.

Qurbejoog.com, Boorama