Hargeysa 5, September 2012 (SDN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed C.laahi Cirro aya maanta ka qayb galay munaasibad balaadhan oo loo sameeyay dufcadii ugu horaysay ee ka qalinjabisay jaamacada Fairland ee magaalada Hargeysa.
Dufcadii ugu horaysay ee jaamacada feirland university kaqalinjabisay oo loo sameeyay munaasabani aad u balaadhan ayaa waxa ka soo qaybgalay oo kale ,wasiirka wasarada ganacsiga wasiiradii hore ee warfaafinta iyo arimaha gudaha, masuuliyiinta jaamacadasi iyo marti sharaf aad u tiro badan.
Ugu horayn, guddoomiyaha jaamacada Fairland qaybteeda Hargeysa Cabdisamad Ciise Jaamac oo ka xogwaramay jaamacada Fairland iyo aasaaskeediim waxa uu ku dheeraaday qorshayaasha jaamacada ee mustaqbalka soo socda. Waxa kale oo uu xusay in ardaydan qalinjabisay ay yihiin arday tiradoodu dhan tahay 60 arday oo qaadanaya shahaadooyinka Degree iyo Diploma, kuwaasoo bartay sida uu sheegay culuumta Social Science iyo sidoo kale Saxaafada, maamulka iyo maaryanta.
Masuuliyiin ka socotay jaamacada Fairland qaybteeda Uganda oo igaguna halkaasi ka hadlay, ayaa amaan u jeediyay maamulka jaamacada iyo ardayda qalinjabisayba, waxayna kula dardaarmeen in ay hore usii wadaan oo aanay ka hadhin waxbarashada, gabagabadiina waxay ay hoosta ka xariiqeen in jamacada Fairland ay ka mid tahay jaamacadaha waawayn ee hormoodka u ah wadan Uganda.
Wasiirkii hore ee wasarada warfaafinta mudane Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) iyo wasiirkii hore ee Arimaha gudaha Cabdilaahi Ismaacil (Ciro) iyo xoghayaha Maaliyadda xisbiga UCID Faadumo Siciid Ibraahin oo iyaguna halkaas ka hadlay, waxay hadalo dhiirigelin ah u soo jeediyeen ardayda qalinjabisay, iyagoo ku tilmamay kuwo ka midho dhaliyay tacabkii waalidkood.
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha Dibada Mawliid Maxamuud Ibraahim oo iyaguna halkaasi ka hadlay, ayaa ardaydaasi kula dardaarmay inay hore usii wadaan oo ay kobciyaan hankooda waxbarasho iyo aqooneed, si ay ugu maareeyaan noloshooda isla markaanan wadanka ugu hogaamiyaan Mustaqbalka soo socda .
Guddoomiyaay golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” oo isaguna gabagabadii halkaasi ka hadlay, ayaa hambalyo u diray ardayda qalinjabisay isaga oo ugu baaqay in kor u qaadaan oo ay ka midho keenaan heerarka sarsare ee waxbarasho.
Guddoomiyuhu waxa uu gunaanadkii xafladaasi shahaadooyin gudoonsiiyay ardaydii kala duwanayd ee jaamacadaas ka qalin jebiyay.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com
