Uncategorized

Golaha wakiilada waxaa la gudboon inay tixgeliyaan soojeedinta madaxweynaha ee kootada dumarka iyo dadka la hayb sooco

Waxaan salaamayaa warbaahinta qiimaha iyo qaayaha leh ee sida fiican warka noogu kala tebisa.Intaasi kadib waxaan jecel ahay in aan dhawr kelmadood ka idhaahdo arimaha kootdada haweenk iyo dadka lahaybsooco taasi oo baryahan danbe aad loogaga hadal hayey golaha wakiilada hase ahaatee akhirkii u danbeeyey golaha wakiiladu dib ugu celiyey madaxweynaha.
marka hore waxba ka sheekayn mayno nidaamkan cida ku dhaqanta iyo cida aan ku dhaqmin waayo rag iga horeeyey ayaa ku soo bandhigay warbaahina cida isticmaasha ee inooga horeysa xaga caalamaka haseahaatee madaxweyne Axmed.M.Siiraanyo oo ah rugcadaa siyaasadeed ayaa inoo soo jeediyey in haweenka iyo dadaka lahayb sooco loo qoondeeyo tiro mucayan ah oo aan badanay qadarkeeduna dhan yahay sideed xubnood oo haween ah iyo hal xubin oo dadka la haybsoco ah.Arintaasi waxaan aaminsan ahay anigu in ay tahay soojeedin macquul ah oo maskax wanaagsan ka soo baxday kadib marka aan eego in dumarka ay hawl badan qaban karaan isla markaanay aanay ku soo baxayn doorasho toos ah dadka la haybsoocaana aanay cod badan ku gaadhayn xubin ay soo xushaan.
Sidaasiawgeed waxaan anigu u soojeedin lahaa golaha wakiilad in dib loogu celiyo loona fasiro in ay haboon tahay in dadkaasi kor aan ku soo sheegnay loo qooondeeyo tiro mucayn ah ilsa markaasina loo ogolaado waayo mar haddii aanay dhacayn in ay dumarku is doortaan loona baahan yahay in dumarku meesha ka muuqdaan aduunkuna inaga codsaday in dumarka iyo dadaka laga tirada badan yahay la siiyo kooto waxaa biyo kama dhibcaan ah in uu ogoaalaado golaha wakiiladu waayo waxaa aynu nahay wadan aan wali la ictraafin,sidaasi awgeed waa in dadka jilicdasami xukunka kula wadaagaan ujeedadad madaxweynuhu u soo jeediyey ee uu golaha wakiilada u keenay waa sidaasi.

Waxaan golaha wakiilada ku boorin lahaa in ay ogolaadaan qadarka yar ee loo soo jeediyey haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay kuwaasi oo ah mid uu madaxweyne Axmed.m.siiraanyo ka soo baraan degay,sharciga sidiisaba waa la abuuri karaa wixii loo arko inuu wanaag keenayo kama hor imanayo distoorka dalka haddii sagaal xubnood oo golayaashu jideeyeen lagu daro golayaasha qaranka wax xumaanaya ma jiro,markaa waxaan odhan lahaa golaha wakiilada u ansixiya inta yar ee madaxweynuhu idiin soo jeediyey dadkan qaylada uun miciinsanayaa waligoodba way jiri jireen laakiin dheg looma dhigi jirin waanay jirtaa goor walba dad tashuush ku fura wax yaabaha ay xukuumadu soo jeediso waxaan leeyahay waa soojeedin qiimo leh oo xukuumada Axmed.m.siiraanyo ku dhiiratay weeyane ha la tixgeliyo.
Sida aan ka war qabno waxaa had iyo jeer dhacda in ay dumar farabadani is sharaxaan balse ay soo bixi waayaan sababta oo ah dakii oo ka door biday nin qabiilkooda ah iyo dumarkii oo aan qabiil lahayn sidaasi awgeed ayuu ragu goor walba uga badinayaa dumarka waayo waxaa timaada tolaayeey balse dumarku malaha tolaayey.

Waxaan u soojeedinayaa golaha wakiilada in haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay ay u ogolaadaan inta yar ee madaxweynuhu u soo jeediyey taasi oo aan barri haddii madaxweynahan maanta joogaa ka tago aan la helayn soo jeedintaasi horena aanay u jirin balse xukuumada Axmed.M.siiraanyo ku dhiiratay in haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay loo qondeeyo kooto ay iska leeyihiin awl horeba golaha wakiilada waxaa dhex fadhiyey xubno aan la soo dooran oo is xambaar ay ugu magac dareen kuwaaba cid sanduuq umay dhigin hadana golayaashii waa ka mid codka ka kale leeyahay ayay leeyihiin waa duruuftaasi oo kale ee yaan la dhaylsan tiradaasi yar ee dumarka iyo dadka laga tirada badan yahay si dhkhso ahana ha loo ansixiyo.

Ugudanbayntii waxay ila tahay in soojeedinta madaxweynaha la tixgeliyo waayo madaxweynuhu wax aanu ka soo baaraan degin golaha wakiilada ma keeneen waana wax meesha ku jira in dumarka reer somaliland ka muuqdaan golayaasha qaranka haba iska yaraadaane cidii haween ah ee isasoo saari karaysana lagama hortaagan oo sidii horeba ay ugu soo baxeen golayaasha qaranka ayay ugu soo bixi doonaa balse intan kootada ah waxaan ka codsan lahaa golaha wakiilada in ay ansixiyaan.
Haweenka somalilandna waxaan odhan lahaa golaha wakiilada ragiinii ayaa fadhiya idia ka hawl gala oo u sheega in ay idiin ansixiyaan tiradan yar ee la idiin ogolaaday waan hubaa haddii hereeraha laga galo in ay suurto gal tahay in la ansixin doono.

Cabd.D.camuud
UK