Uncategorized

UCID oo masuul cusub u magacaabay guddoomiyenimada xisbigooda ee gobolka Hargeysa

Hargeysa 08, September 2012 (SDN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa guddoomiye cusub u magacaabay maamulka xisbigaas ee gobolka Hargeysa.

Sida lagu sheegay qoraal uu maanta soosaaray guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa uu guddoomiyaha UCID ee gobolka Hargeysa u magacaabay Mr. Cabdiraxmaan Aaden Sheekh Maxamuud Sh. Haaruun, wuxuuna qoraalka magacaabista ahi u dhignaa sidan; “Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, waxa uu u magacaabay maanta oo ay Taariikhdu tahay 08/09/2012 in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex  Mudane Cabdiraxmaan Aadan Sh Maxamuud Sh Haaruun, si loo derder geliyo hawlaha Xisbiga ee Gobolka maadaama ay nagu soo fool leeyihiin doorashooyinkii Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa.

Sidaa awgeed dhamaan waxa lala socodsiinayaa Garabada Dhalinyarada, Haweenka, Heer Qaran, Heer Gobol iyo Degmo-ba in ay u fududeeyaan hawlihiisa shaqo, si uu Xil-gudashadiisa maamul u hanto.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com