Uncategorized

Khudbaddii uu Murashax Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ka hor jeediyay Baarlamaanka

Muqdisho Sep 09,2012(SDN)-

Bismilaahi Raxmaani Raxiim;

Asalamu Caleykum,

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari

Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee BFS Mudane Jeylaani Nuur Iikar

Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee BFS Mudane Mahad Cabdalle Cawad

Xubnaha Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wakiilada Beesha Caalamka, Saraakiisha Amniga, Bahda Saxaafadda, Marti-sharafta kale ee goobtan ku sugan iyo guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Asalaamu Caleykum Waraxmatul Allah Wa  Barakaatu

Walaalayaal,

Maanta waa maalin Taariikhi ah, oo si dhab ah uga tarjumeysa Gobanimada iyo Madaxbanaaninada Dalkeenna. Waxaa markhaati u ah in fadhigeenna dastuuriga ah ee aan ku dooranayno Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaliya uu ku qabsoomo Magaalo Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho markii ugu horeysay muddo 22 sano ah. Saaxiibo badan oo halkan fadhiya oo quus ka taangaa Soomaaliya in ay maanta isu soo sharraxaan Madaxweyninimo waxaa suurta galiyey Xukumadda Badbaado Qaran.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

12kii Sano ee lagu jiray Ku-Meelgaarnimada waxaa dalka soo maray Lix Xukumadood ee Ku-Meelgaar ahaa ee naga horeeyey. Intaba waxaa loo Igmaday in ay dalka u dejiyaan Qorshe Siyaasadeed oo dalka ka saara Ku-meelgaarnimada, dhammaan way ku guul dareysteen meel marinta Himiladaas. Waxaa nasiib wanaaq ah in aan maanta nahay dawlad taam ah oo aan ku meel gaar ahayn.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Muddo hal sano iyo laba bilood laga joogo waxaan Baarlamanka Soomaaliyeed hortiisa ka balan qaaday fulinta Qorshe ka kooban afar qodob oo ujeedadoodu ahayd in Waddanka, La- gaarsiiyo qaranimo taam lagana baxo Ku-meelgaarnimada. Afartaas Qodob waxay kala ahaayeen:

  1. Amniga
  2. Dhameystirka Dastuurka
  3. Dib u heshiisiinta iyo is ku Xirka Gobolada dalka
  4. Dowlad Wanaagga

Maxaa ka Qabsoomay Balanqaadkii?

Amniga: Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaad dhamaan markhaati ka tihiin in sanad ka hor in Boqolkiiba Konton ay Muqdisho gacanta ugu jirtay Alshabab iyo Boqolkiib Todobaatan Gobolada Konfureed ee Dalka. Waxaa Alle Mahadiisa, in maanta Magaalo Madaxdii Muqdisho Xor tahay, markhaatiga ugu weyn uu yahay fadhigeennan Dastuuriga ah oo ka dhacaya Xamar oo xor ah oo xasiloon, Sidoo kale waxaa Xor ah: Baydhaba, Beletweyn, Dhuusamareeb, Gedo, Bakool, Marka, Afgooye, Afmadow, Badhaadhe, Balcad, iyo degaamo kale. Dowladdii loo yaqaanay Sanad ka hor ma dhafaanka 4 KM ee squarka ah ayaa ku fiday dalka oo dhan. Sidoo kale, Ciidamadeenna Geesiyaasha ah oo ay taageerayaan kuwa AMISOM ee walaalaha ah ayaa qarka u saaran Xoreynta inta ka dhiman Degaamada dalka oo dhan.

Dastuurka: Walaalayaal Dastuurka oo udub dhexaad u ah yagleelidda Dowlad Rasmi ah wuxuu soo socday muddo 7 Sano ah. Xukuumadihii naga horeeyey waxay ku Guul dareysteen in ay dhameystiraan Dastuurka kana saaraan Soomaaliya Ku-meelgaarnimadii ragaadisay Qaranimadeenii, Karaamadeenii iyo Sharafteenii. Waxaa farxad ah in aan maanta leenahay Dastuur ay ansixiyeen 825 oo ah ERGO Soomaliyeed. Ansixintii Dastuurka iyo Soo Xuladii Xildhibaanada waxay markhaati ka yihiin haddii Xukuumadi qorshe la timaaddo, Alle talada saarato, Shacabkeeda, Dhaqaalaheeda iyo Kartideeda aaminto, in GUUSHU suurto gal tahay, lagana gudbi karo caqabd kasta oo adag.

Dib u heshiisiinta iyo is ku-Xirka Gobolada: Mudanayaal iyo Marwooyin, Markii Xukuumadeydu qabatay talada Dalka waad la socotaan Gobolada Dalka iyo Dowladda Dhexe ma lahayn xiriir wada shaqeyn. Is eedeyntii iyo wada shaqeyn la’aantii jirtey waxaan ku bedelanay wada shaqeyn, wada tashi iyo gogol fariisi. Waxaan u aragnaa in ay ahayd Guulaha ugu weyn ee suurto geliyey qabsoomidda Baarnamujyadii adkaa ee na horyaalay oo ay ugu muhiimsanayeen Dhameystirka Road Mapka. Mudanayaal iyo Marwooyin, Xukuumaddii Badbaado Qaran waxay u bareertay is dhexgalka iyo is gaarka Shacabka Soomaaliyeed taas oo aan u aragnay in ay ahayd waddada lagu gaari karo dib u heshiisiin dhab-ah. Aniga iyo  Xukuumadeyda waxaan Booqasho is daba joog ah ku tagnay Hiiraan, Puntland, Galmudugh, Galgaduud, Bay, Jubadda Hoose, Shabeelada Dhexe, Gedo iyo Gobollo iyo Degmooyin kale. Sidoo kale, markii ugu horeysay muddo 22  sano ah waxaan furnay oo si yididiilo leh ku bilowday wada hadalka Dowladda Dhexe iyo Soomaaliland.

Dowlad Wanaagga: Mudanayaal iyo Marwooyin, dhismaha Haykalada Dowliga ah ayaa asaas u ah Maamul Dowladnimo oo taaba gal noqda. Xukuumadaydi waxay dejisay qorshe soconaya muddo dheer oo isugu jira tayeynta maamulka iyo tayada shaqaalaha, dib u dhiska iyo kobcinta Hay’adaha Dowladda, Waxaan sidoo kale dhisnay Hay’adda La-Dagaalanka Musuq Maasuqa, Adkeynta Maamulka Lacagaha, Canshuuraha iyo dakhliga Dowladda.

Xiriirka Caalamiga ah: Sanad ka hor, Xiriirka Soomaaliya iyo Beesha Caalamku wuxuu gaaray heer aad u hooseeya. Taasi waxay keentay in beesha Caalamku Qawaddo Dowladnimadeenna iyo jiritaankeenna. Taasi waxay kaliftay si loo wanaajiyo Xiriirkii Xumaaday waxay Dowladeydu qaaday Talaabooyinka Soo socda:

Walaalayaal Beesha Caalamka waxaan la galnay wada hadal rasmi ah oo ku dhisan danta Soomaaliya iyo wada shaqeynta Xiriirka Caalamka. Taas oo keentay in 39 Hay’adood oo isugu jira Safaarado iyo Hay’ado Caalami ah, ay dhamaantood go’aansadeen in ay fadhi ka sameystaan Magaala Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Xiriirka Caalamiga waxaa ku hir galay in:

In 4000 oo arday ay helaan deeq waxbarasho, Turkish Airline ayaa bilowday duulamaadyo caalami ah, Waxaan galnay Heshiisyo Diplomaasiyadeed, Heshiiyo Dhaqaale, Amni, Gargaar Baniaadminimo iyo Tayeeynta Maamulka Dowladnimo oo aan la galnay wadamada ay ka mid yihiin Germany, Norway, Turkey, South Africa, Talyaaniga, Mareykan, Midowga Yurub, Isu tagga Imaraadka Carabta iyo Kuwait oo dhamaan u baahan dhameystir iyo in laga miro dhaliyo.

Walaalayaal, Fulinta balanqaadyada aan hore u soo sheegay, waxaa bar bar socday Gurmadkii iyo Gargaarkii loo fidiyey Shacabka Soomaaliyeed ee ay ku habsatay abaartii ugu xumeyd ee na soo martay 60kii sano ee na soo dhaafay. Waxaa Mahad Alle ah in dadaalkii Xukuumadda suurto geliyey in Abaartaas ay ka samata baxaan Boqolaal Kun oo Qof oo Soomaali ah oo maanta dib ugu laabtay Beerahoodii iyo Degaamadoodii.

Mudanyaal iyo Marwooyin,

Horumarka ay gaartay Xukuumadda Badbaado Qaran wuxuu ku yimid Dulqaad Siyaasadeed, Aragti Fog, Karti, Ka Hormarinta Danta Qaranka midda Gaarka ah iyo in aan aaminay Ilaheenna SWT ee na abuurtay.

Maxaa keenay in aan u istaago Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya?

Walaalayaal, Dowladnimo waxaa lagu macneeyaa in ay tahay habdhaqan socda (ongoing processes) oo sanadba sanadka ka horeeya ama kan dambeeya kaabayo una baahan isku xir. Walaalayaal markii aan arkay Howlihii cuslaa ee aan Sanad Gudihii ku qabanay, Ogahay tubta dheer ee inoo dhiman, tix geliyey aqoonta, kartida iyo hufnaanta aan u leeyahay qabashada Masuuliyad balaaran, oo ay markhaati ka tahay sidii aan u gutay Xilkii Ra’iisulwasaarenimada wakhti adag kuna Guuleystay Howlihii la ii Igmaday dhamaantood. Aniga oo ogsoon in Masuuliyaddan baaxadda weyn ay leedahay Waajibaad balaaran ayaan anigoo aaminsan in aan ahay MURASHAX qaadi kara xilkan go’aansaday in aan u istaago:

Doorashada Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya

 

Haddaba Waxaan Balanqaadayaa, hadii Alle idmo:

  1. Dhameystirka Amniga: Suurto gal ma ahan in laga baxo dhibaatada Amni darrada ilaa iyo inta laga helayo Ciidamo Qaran oo leh kala dambeyn, la xaqiijiyey daryeelkooda, Mushahaarkooda, Xeryahooda iyo Agabkooda. Ciidan Ajnabi ah laguma gaari karo Amni taam ah, waxay noqon karaan taageero wakhtigeedu kooban yahay. Waa inaan dhisnaa Ciidan Soomaaliyeed oo lagu tababaro dalka dhexdiisa sugana Gobanimada iyo Madaxdbanaaninada beerigeenna, badaheenna iyo howadeenna (National Security and Stabilization Plan). Kaaso ay ansixiyeen Golaha Wasiirada sugayana ansixinta Golaha Shacabka.

 

  1. Xiriirka Baarlamanka:

Waxaa dhab ah, aan aminsanahay in Baarlamanku yahay Hay’adda Sharci Dejinta ee ugu sareysa Hay’adaha Dowliga ah. Waxaan balan qaadayaa ku dhaqanka Dastuurka, wada shaqeyn iyo dhowrista qiyamka Baarlamanka. Waxaan balan qaadayaa in aanan faro gelin madaxbanaanida iyo habsame u socodka howlaha Baarlamanka, marka laga reebo inta sharcigu ii ogol yahay. Waxaan siinayaa mudnaant ay leedahay in Xildhibaanada Baarlamanku helaan xuquuqdooda Sharci. Si sare loogu qaado tayada Baarlamanka waxaan ka shaqeyn doonaa in Xildhibaanadu helaan aqoon kororsi iyo tababaro lagu qabto dalka dibeddisa iyo gudahaba.

Mutaqbalka Dalkeenna:

Fakhriga iyo Shaqo la’aanta waxaa daawo u ah kobcinta Dhaqaalaha iyo Horumarinta Adeega Bulshada. Waxaan balan qaadayaa in aan noqodo Madaxweyne ku hadla codka Danyarta Soomaaliyeed.

Si looga baxo Fakhriga iyo Saboolnimada baahsan waa in si Cadaalad ah loo wadaago Hantida Guud ee la wada leeyahay.

  1. Horumarinta Arrimaha Bulshada: Fakhriga iyo shaqo la’aanta waxaa looga bixii karaa horumarinta adeegyada Bulshada sida Waxbarashada iyo Caafimaadka, dib u dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin Dhismaha Wadooyinka, Airportka, Dekedaha iwm. Sidoo kale, Shaqo la’aanta iyo Fakhriga waxaa looga bixi karaa dib u nooleynta Qeybaha Wax Soosaarka sida Beeraha, Kaluumeysiga, Warshadaha, Xoolaha iyo Dhiiri gelinta Ganacsiga yar yar, gaar ahaan Xirfadaha Haweenka iyo Dhalinyarada.

 

  1. Kobcinta ilaha Dhaqaalaha:  Sida Dakhliga Dowladda, Kheyraadka dabiiciga ah, Dhiiri gelinta Maalgashi Caalami ah, Waxaan Balan qaadayaa, haddii Alle idmo in aan abuuro bay’ad  dhiiri gelisa Maamul dhaqaale oo ku Salayesan Dowlad Wanaag.
    • Waxaan Ballan qaadayaa xoojinta kalsoonida u dhaxeysa Shacabka iyo   Dowladooda.
    • Waxaan Ballan qaadayaa inaan xoojiyo Hay’addaha La-Dagaalanka Musuq Maasuqa.
    • Waxaan Xoojinayaa in Adeegyada Bulshada la gaarsiiyo Gobolada dalka iyo gobkasta oo Soomali ku nooshahay.
    • Waxaan Xoojinayaa Wada Shaqeynta Dowladda Dhexe iyo Maamulada Gobolada
    • Waxaan Xoojinayaa in aan ilaaliyo Xuquuqda Haweenka, Dhalinyarada, Danyarta, Naafada, Agoonta iyo Waayeelka

 

  1. Qorshaha Siyaasadda:

Waxaa Ilaahay mahadiis ah in aan Siyaasadda Horumar la taaban karo ka gaarnay sida Dhamesytirka Dastuurka, Dhismaha Baarlamanka iyo Dooroshooyinka madaxda sare ee Soomaaliya. Waxaan maanta ka jeclaan lahayn in Shacab weynaha Soomaaliyeed dhamaantood Codkooda ku dhiibtaan si xor ah oo qof qof ah.

Mudanyaal iyo Marwooyin, markii la ii doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaan ballan qaadayaa in Afarta sano ee soo socota aan Dalka ku hogaamin doono sidii:

– Dastuurka loogu ansixin lahaa Afti dadweyne

– Iyo Sidii Dalka loo Gaarsiin lahaa Doorashooyinka Dowladaha Hoose iyo Tan Dhexe

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Soomaali waxaa deeqda Cadaalad, inta badan dhibaatada Colaadaha waxaa huriya Cadaaladda oo laga talaabsado. Waxaan Balan qaadayaa in Awood Qeybsiga Siyaasadeed lagu saleeyo cadaalad iyo sinnaan. (5 Beelood)

Maxaa ina horyaal? Waxaa ina horyaal baahi baahsan oo saameysay caruurteennii, dhalinyaradeenii, Dumarkii iyo Dadka inta ugu tabarta yareyd. Xaqiiqadu waxay tahay in Shacabkii Soomaaliyeed, ee Mudnaanta lahaa ay ku kala firirsan yihiin daafaha aduunka ayagoo taabalaysan. Waxaan dhamaanten qaadnay Masuuliyad culus, waana inaan ka dhabeyno, badbaadino ummadda Soomaaliyeed, kana badbaadino Gaajada, Shaqo la’aanta balaaran, Cadaalad darrada, dilka iyo dhaca loo geysto dadka aan tabarta lahayn.`

Waa in aan daryeel u samayno dhalinta ku dhimanaysa baddaha adduunka,kuwa ku biiray Burcad Badeedka, iyo kuwa la marin habaabiyey.

 

 

Haddaba, Sidee ayaan wadajirkii, qiyamkii iyo karaamadii Soomaalinimo u soo celinaa? Waxaan qabaa In la doorto Hogaamiye hanta:

  • Midnimo Soomaaliyeed – Unity
  • Sugidda Amniga Qaranka Soomaaliyeed – Peace and National Security
  • Soo celinta iyo Hanashada Kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed
  • Isku Filaansho Soomaaliyeed – Self Sufficiency
  • Cadaalad Bulsho – Social Justice

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan qaadnay Xil Balaaran oo aan u dhaaranay. Waxaan Mataleynaa Shacab Dhibaateysan oo ku kala firirsan Xeryo Qaxooti dalka gudihiisa iyo dibediisa. Hooyooyinka, Caruurta iyo Waayeelka Soomaaliyeed waxay ka dhur sugayaan oo u dhaartay waa inteenan madashan fadhida galabta. Waxaan si xushamad badan Ilaahay hortiis naftiinna iyo nafteyda u xusuusinayaa in aan wadajir u gudunno howlaha adag ee ina wada horyaal. Waxaan aaminsanahay kalsoonina ku qabaa inaad isu miisaami doontaan Codsiyada Doorashada ee la idiin soo bandhigi doono. Waxaan leeyahay ha la igu doorto wixii aan qabtay iyo waxaan ballan qaaday maanta oo aan fulin doono sidii aan u fuliyey ballan qaadyadhii hore.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan si xushmad badan idiin weydiisanayaa Codkiinna iyo Taageeeradiinna.

Ugu dambeyn, Hadafka aan tiigsanayo wuxuu ku saleysan yahay sidii Aayatiin Wanaagsan aan ugu dhisi lahayn ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Aayatiinkaas oo ku tilmaaman Nabad Waarta, Xasilooni joogta ah, Abuuritaan Shaqo iyo Dhaqaale.

Wabilaahi Towfiiq

 

Soomaaliya Ha Noolaato….

 

Waad Mahadsantihiin