Sanca Sept 11,2012(SDN)-Warbixin taxane ah oo loogu magac daray “Al Qaacida in Africa” oo ay daabacday dhawaan barta Internetka ee Globalpost ayaa lagu sheegay in Shabaabku ay gacan u fidiyaan Al Qaacidada Yemen halka ay iyaguna ka helaan khibrado ciidan.
Warbixinta waxa lagu xusay in Al Qaacida ay haatan Africa khatar weyn ku tahay bacdamaa ay tababro Yemen ku siiso Soomaalida Jihaad doonka ah.
Aysh Awas oo ah lhabiir dhanka amniga oo warbixitu soo xigatay ayaa sheegay in ugu yaraan 300 oo dagaal yahan ay Shababaku dhawaan u direen Yemen.
Taa bedelkeedana ay dagaal yahanada Soomaalidu heleen tababro dhanka Miinooyinka ah oo ay qaarada kula noqdeen.
Aysh Awas waxa uu sheegay in dagaalyahanada Soomaalida ee Yemen tagtaahi in ay yihiin laba nooc.
Nooc waa qaxooti nolol doon ahaa kolkoodii hore oo markii danbe Al Qaacida lacago ay ku qarqiyeen ka dibna sidaa ku dagaal gala.
Kuwa kalena waa kooxda Al Shabaab ee iyagu mawqifkoodu cad yahay ee Jihaad doonka ah ee halkaa ku taga amarada Al Qaacida.
Warbixintu waxa ay tibaaxda in isbaheysiga labadan kooxood ay khatar weyn ku tahay qaarada Africa.
SDN-Sanca
contact@somalidiasporanews.com
