Uncategorized

Ruuxii Afaraad oo Soomaali ah oo Toronto lagu dilo dhawrkii bilood ee ina dhaafay

Toronto Sept 11,2012(SDN)-Waxa maalinimadii sabtida magaalada Toronto ee xarunta ganacsi u ah dalka Canada lagu dilay wiilkii Soomaaliyeed ee afraad mudo afar bilood gudahooda lagu dilo magaaladaasi.

Cabdicasiis Faarax oo 28 jir ahaa meydkiisa laga helay aqal hortii xaafada  Scarborough, gaadhigiisana waxa laga helay masaafo 8km u jirta halka marxuumka laga helay.

Marxuumka ayaa dhawr xabadood jirkiisu ku yaaleen kolkii la helay,booliska ayaa dalbanaya in ciddi aragtay sida wax u dheceen in ay la soo xiriiraan.

Dilka Marxuumka ayaa ah kii afaraad ee Toronto ka dhaca,iyada oo labaatan kale oo dhalin yaro Soomaliyeed oo reer Toronto u badnaa dhawrkii sano ee u danbeeyay lagu dilay gobolka Alberta ee galbeedka Canada.

Dilka ubadka Soomaaliyeed ee dhibaatadii dalka ka dhacday lagala soo baxsaday ayaa tiiraanyo ku ah waalidiinta reer Canada ee nolosha qurbaha la tacaalaya.

Ma jirto cid si gaar ah isga xil saartay ka sal gaarida ubadka Soomaaliada ee ku riiqmeysa Canada.

SDN-Toronto

contact@somalidiasporanews.com