New York Sept 11,2012(SDN)-Sanadguurada 11naad ee weerarkii lagu qaaday sarihii ganacsiga ee World Trade Centre oo maanta ku beegan ayaa inta badan waxa hareeyay ololaha doorasho ee aqalka cad ee Mareykanka.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ku andacoonaya in xukuumadiisu ay shacabka mareykanka ugu aarguday dilkii Osama Bin Laddin iyo kala eri uu sheegay in ay ku sameeyen kooxdii Al Qaacida.
Halka Mitt Romney oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa dhankiisa ku eedeeynaya madaxweynaha in uu dagaalkii Al Qaacida uu degdeg u soo gunaanaday.
Madaxweynaha Mareykanka Mr Obaama ayaa khudbadiisa todobaadlaha ah waxa uu gebi ahaanba ku soo qaatay ka hadalka maalintaa iyo waxa xukuumadiisu ay ka qabatay.
Maanta ayaa dalka Mareykanka khaasatan magaalada New York si weyn loogu tacsiyadeynahaa dadkii afarta kun ahaa ee ku geeriyooday labadii saraad ee duyuuradaha lagu weeraray.
Waxaana guud ahaan Mareykanka qadar daqiiqad ah loo joojin doonaa wax walba kolka ay tahay xiligii duyuuraduhu duqeeyeen labada sarood ee Twin Towerska.
