London Sept 20,2012(SDN)-Qurbejoog ka soo jeeda Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya oo London ku kulmay ayaa ka warbixiyay tacadiyo ay sheegeen in ciidamada degaanka Soomaalida ee Itoobiya ay u geysteen dadka degaanada ay ka soo jeedaa.
Qurbejooga oo ka koobnaa qeybaha kala duwan ee bulshada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay soo bandhigeen kana warbixiyeen tacadiyo soo noqnoqday oo lagula kaco bulshadooda.
Waxgaradkii halkaa ka hadlay ayaa baaq ay ku dalbanayaan faro gelin ka timaada dawlada dhexe waxa ay u jeediyeen dawlada Itoobiya.
Waxgaradku waxa ay ka digeen cawaaqib xumo ka dhalan karta kicinta iyo bartilmaansiga lagu hayo bulshadooda hadaaney dawlada dhexe arinka soo farogelin.
