Toronto Oct 09,2012(SDN)-Guddoomiyaha Guddida Mashruuca dhisida wadada Cad Mudane Cali Ibrahim Muxumad Cali Sanyare ayaa mahadnaq uu u dirayo guddida Haweenka Jaaliyada Toronto na soo gaadhsiiyay.
Guddida Haweenka ee jaaliyada Toronto ee reer Hargeysa ayaa maalmahan waday dedaalo ay aduun ugu ururinayaan mashruuca dhisida Madada Cad ee isku xirta Ina Guuxaa ilaa Hargeysa.
Deeq ururinta Jaaliyada Toronto oo wejegeedii kowaad haatan gebagebadiisa lagu jiro ayaa waxa ka soo baxaya xogo tibaaxaya in hawshu habsami u socoto ilaa iyo haatan.
“Waxaan halkan ka salaamayaa isla markaana mahadnaq ugu soo jeedinayaa guud ahaan Jaaliyada Toronto ee Canada Rag iyo Dumarba sida wadaniyada leh ee ay mashruucan gacan qabadka ula garab taagan yihiin”ayuu Md Cali Sanyare fariintiisa ku yiri.
“Ka qeybqaadashada Mashaariicda Kheyriga ahi waxa ay wax weyn ka taraan dib u dhiska dalka, isku xidhkiina iyo xafidashada dhaqankeena suuban ee gacan qabadku qeybta weyn ka yahay”ayuu yiri Md Sanyare.
“Hadaba waxaan aniga oo ku hadlaya magaca Guddida Mashruuca Wadada Cad idiinku soo gudbinayaa hambalyo iyo bogaadin,sidoo kale waxaan idinku boorinayaa in aad si weyn u soo afmeertaan mashruuc qeybtiisa hore una diyaar garoowdaan wejiga labaad ee dhismaha Wadada Cada”ayuu mudane Sanyare ku soo afmeeray fariintiisa.
Jaaliyadaha reer Hargeysa ee dalaka caalamka ku kala nool ayaa isu xil saaray isla markaana ururiyay deeqo lagu kafaalo qaadayo inta badan mashruucan dhisida Wadada Cad ee haatan bartamaha lagaga jiro.
SDN-Toronto
contact@somalidiasporanews.com
