Caynabo Oct 11,2012(SDN/Hubaal)- Kooxo calooshood u shaqaystayaal ah oo Iibinaysa Dawooyinka Iyo Raashinka Bukaanka ayaa ka dhex dilaacay Cusbitaalka magaalada Caynabo ee gobolka Saraar.
Kooxahan oo shuraako ah ayaa sida uu warbaahinta u xaqiijiyey isuduwaha wasaarada caafimaadka gobolka Saraar Dr Xuseen waxa uu tilmaamay in dawooyinka iyo raashinka hay’aduhu keenaan habeen kasta lagu daabulo gawaadhi isla markaana loo iibgeeyo magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer waxaana uu intaasi ku daray in xili madaw oo saqbadh ah raashinka iyo dawooyinka la gurto waxaana uu sheegay in taasi la odhan karo dadkaasi inay yihiin budhcad aan waxba reebayn iyadoo sidoo kalena arintan aan si rasmi ah loo garanayn cida ku lugta leh balse waxaa si weyn loogu tuhun san yahay buu yidhi saraakiisha ka hawlgasha cusbitaalka guud ee caynaba oo iyagu shuraako la ah sida la sheegay isuduwaha caafimaadka gobolka togdheer dr cabdi yaasiin kuwaasi oo dhanka kalena ka dhawaajiyay inaanay aqoonsanayn masuulkan ay wasaarada caafimadka somaliland u soo magcawday gobolka oo ay ku sifeeyeen inuu yahay nin waalan
Bukaanjiifka cusbitaalka guud ee caynaba ku jira oo aan ku booqanay waadhadhka ay ku jiraan ayaa nooga waramay inaanay helin haba yaraatee adeeg caafimaad oo la tilmaami karo sida daawooyin lagu dhayo marka laga reebo mid laga gado oo lagu iibiyo farmasi sifo khaldan uga dhex furan cusbitaalka guud ee caynaba walow haday iibsadaana ay sheegeen inaanay helin cid ku durta hadii aanay sidan wax lacag ah sidoo kalena aanay helin wax raashin ah marka laga tago ka ay eheladoodu u keenaan iyadoona mar aan isku daynay inaan wax ka weydiino waxa ay xukuumada ugu baaqayaan si wax looga qabto arimahan noocan oo kale ayaa waxaa uu yidhi mid ka mid ah bukaanjiifka oo ka gaabsaday magaciisa”walaal maxaan xukuumada ugu baaqaa nin buka oo xanuunsanaya ayaan ahay oo xalay waridaad laga keenay xukuumadauna haday wax kaqabanaysoi way aragtaa anigu in dalka weli siyaad bare haystaan u ogaabee:
Mar warbaahintu isku dayday inay duubto xaalada cusbitaalka iyo dawooyin markii dadka la siin waayay lana iibsan waayay dhacay oo la gubayay isla markaana in badan bakhaaro ku xaraysnaa waxaa ay masuuliyiinta caafiimadka cusbitaalka caynaba ugu hanjabeen saxaafada inaanay waxba duubin karin balse ay waxa ay u baahan yihiin ka waraystaan saraakiisha caafimaadka ee cusbitaalka
Dhanka kalena shacabka ku dhaqan magaalada caynaba ayaa ku eedeeyey isuduwaha wasaarada caafimaadka ee gobolka togdheer inuu ku hawlan yahay curyaaminta iyo cadaadinta saraakiisha caafimaadka ee caynaba isagoona cusbitaalka caynaba ku noqday caqabad hortaagan waxaana ka mid ah arimaha ay ku eedeeyeen
1)inuu musuqay isla markaana lunsaday gaadhi unplance ah oo ay wasaarada caafimaadka somaliland ugu talogashay in la geeyo cusbitaalka kaasi oo ay bixisay hayada WHO isagoona sifo khaldan oo aan la garan karin uga wareejiyay cusbitaalka guud ee degmada qoryaale maadaama uu yahay bay dhaheen sheegtona isuduwaha caafimaadka gobolada togdheer,sool,saraar iyo sanaag
2)inuu hor istaagay cusbitaal TB-ah oo ay hayada COOPI ka dhagax dhigtay magaalada caynaba taasi oo hayada ka codsaday inay mudo dib u dhigto dhismaha cusbitaalkaasi
3)Dr.cabdi yaasiin waxaa uu raray xafiiska hayada MEDEIR ka furatay caynaba taasi oo ay shacabka iyo dadka danyarta ahi si weyn ugu badhaadheen isagoona ku amray inay isaga guuraan magaalada kuna sababeeyey inaanay amni ahayn
4)Ololaha talaalka caruurta oo sanad kasta ka bilaabma caynabaayaa gaadiidka talaalka qaadaya waxaa ay masuuliyiinta maamulka gobolka saraar ka codsadeen inay lacag yar oo qaadhaan ah cusbitaalka u gooyaan si loogu hirgaliyo gaydh cusub oo la doonayay in loo dhiso cusbitaalka guud ee caynaba balse taasi bedelkeeda dr cabdi yaasiin waxaa uu saraakiisha cusbitaalka caynaba ee lacagtan ururinayay ku amray inay lacagtaasi loo wareejiyo cusbitaalka guud ee magaalada burco oo ay isaga gacanta ku hayaan hayado dhowr ah
SDN-Caynabo
contact@somalidiasporanews.com
