Uncategorized

Guddida Difaaca ee Wakiillada oo Dalbaday In La Raali-geliyo Taliyaha Sirdoonka oo War Laga Baahiyay

Hargeysa Oct 11,2012(SDN) (Hubaal)- Guddida Arrimaha Gudaha, difaaca iyo nabadgelyadda ee golaha wakiillada Somaliland ayaa meesha ka saaray war laga baahiyay horaantii toddobaadkan oo sheegayay in taliyaha sirdoonku dalbaday in xeerka sirdoonka Somliland oo ay Guddidaasi gacanta ku haysay ay ka reebaan qoddobo shardi ku xidhaya masuulka qabanaya xilka taliyaha. Xog-hayaha guddida arrimaha gudaha, difaaca iyo nabadgelyadda ee golaha wakiillada Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog) oo uu weheliyo Xil. Cabdikariim Aw Cali Shabeel oo ah khabiir ku xeel dheer shaqada sirdoonka, haatana guddida arrimaha gudaha kala taliya xeerka sirdoonka qaranka oo shalay warbaahinta ugu warramay magaalada Hargeysa ayaa deedifeeyey ay Warbaahinta Qaar sheegeen inuu Taliyaha Ciidanka Sirdoon Jaamac Bootaan Cirro  ka codsaday inay Guddidu qoddobada qaar  ka saaraan Xeerka, taas oo ay sheegeen inaanay waxba ka jirin arintaasi.

Xil. Xoog oo ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada shirkooda jaraa’id waxanu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa in aanu warkaasi ahayn mid xaqiiqo ah, waxaan idiin sheegayaa inaanuu taliyuhu naga codsan wax ku saabsan xeerka in laga saaro” ayuu yidhi Xoghayuhu waxanu intaa ku daray “Haddaba waxan cadaynayaa inaan agaasimaha guud ama sida dadweynuhu u yaqaanaan taliyaha sirdoonku, haba yaraatee aanu guddida arrimaha arrimaha gudaha kala hadal shuruudaha ku xidhan  magacaabista agaasimaha. Hadalka uu qoray wargeyskuna aanu sal iyo raad toona lahayn ee uu yahay been la dhoob dhoobay ee shaki lagu kala dhex tuurayo madaxda qaranka iyo xildhibaanada qaranka. Wey jirtay in guddida arrimaha gudaha, nabad gelyada iyo difaaca ee aan anigu xog hayaha ka ahay ay la kulantay agaasimaha guud iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan Hay’ada sirdoonka qaranka, hase yeeshee marnaba kama ay wada hadal shuruudaha xeerku ku xidhayo agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka. Shuruudahaas oo ah shahaadada BA Degree-ga inuu haysto iyo inuu waayo aragnimo maamul oo shan sanno ka bilaabanta uu leeyahay. Waana ayaan darro in wargeys af dheer  oo aanu aad ugu kalsoonahay oo aanu u  hanweynahay inay iska qoraan warar aan lagu soo qaadin kulankaas aanu la yeelanay masuuliyiinta sirdoonka maalintii sabtida ee lixda Oktoober ee 2012.” Ayuu yidhi Xog-hayaha guddi hoosaadka arrimaha gudaha, difaaca iyo nabadgelyadda ee golaha wakiilladu.

Cabdiraxmaan-Xoog waxa uu masuuliyiinta wargeyska Haatuf ka dalbaday inay raali gelin ka bixiyaan warkaas, wax kalese aanay ka doonayan “Annaga waxa nagu filan oo aanu ka codsanayaa wargeyska oo masuulkiisiina fadhiyo inuu raalli gelin uu bixiyo, intaas baa nagu filan annaga maxakamada lama tagayno ee uu xaal siiyo agaasimaha guud ee sirdoonka, xidlhibaanada madasha fadhiyay iyo labadayada dhinacba.

Qoddobka labaad; guddidu iyada ayaa garatay markay dooday in ay xeerka ka saarto ansixinta agaasimaha guud, sababtoo ah agaasimayaasha guud ee kale ee madaxweynuhu magacaabo lagama ansaxiyo golayaasha qaranka, sidoo kale goleyaasha lagama ansaxiyo taliyayaasha kale sida taliyaha ciidanka qaranka, taliyaha ciidanka booliska, taliyaha ciidanka asluubta, baadhasaaabada calanka sita ee gobollada u metela xukuumadda midkoodna lagama ansaxiyo golayaasha, sidaasi si lamid ah ayaanu annaguna guddi ahaan isla qaadanay inaanu xeerka ka saarno in agaasimaha guud ee sirdoonka aan golayaasha laga ansaxin.” Ayuu yidhi Xoghayaha guddidaasi.

Waxa isna halkaasi ka hadlay xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel oo markaasi barbar fadhiyay xog-hayaha, waxanu sheegay in uu markhaati ka ahaa kulankii ay guddidu la yeelatay taliyaha sirdoonka qaranka, isla markaana aanay jirin meel taliyuhu ku codsaday in qoddobo laga saaro xeerka sirdoonka qaranka.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com