Uncategorized

Waxan kula Dardaarmayaa Shacabka Hantida Keliya Ee Ay Somaliland Haysataa Waa Nabada In La ilaaliya Oo Ciidamada Amaanka Lala Sheegya Gudoomiyaha Golaha Wakiilada

Hargeysa 14-11-2012 (SDN) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa shacabka ku dardaarmay in ay nabada ilaaliyaan isla markaana feejignadaan oo wixii ay dareemaayan ay Ciidamada amaanka soo gaadhsiiyaan .

Gudoomiyaha oo ka hadlayey Xaflad lagu soo dhawaynayey Masuuliyiinta iyo taageerayaasha Urur Siyaasdeedka JAMHUUGa oo ku Soo biiray Ururka WADDANI ayaa shacabka iyo asxaabta tartamaysa ugu baaqay in ay feejignaadaan iska markaana nabadgelyada ilaaliyaan .

gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna ahna hogamiyaha Ururka WADDANI  oo arrintaasi ka hadlaya waxaa u yidhi “ waxaanu soo kordhiyaa  Cudud lixaad leh walaalayaal soo dhawaada waxa aynu samaynayaa waa Xusbi Qaran oo Sumadiisu  tahay Somaliland dadkuna way uwada siman yihiin wan soo dhawaynayaa dhamaan dadka taageerayaasha ah eek u jira Urur Siyaasadeedka JAMHUURIGA waxaanan leeyahay Maanta laga bilaabo waxaad tihiin WADDANI waan soo dhawaynayaa  intaasi waxaa ii raaca dardaaran waxaanan leeyahay Hantida Somaliland ugu wayni waa  nabada in nabada la ilaaliya waa in aynu musharaxiinteena kula dardaarnaa in ay ilaaliyaan nabada  waa in ciiidamada amaanka la shaqeyanaa qofkasta xil ayaa ka soo waa in uu nabada ilaaliyaa oo  waan in uu qof waliba feejignada”

intaasi ayuu ku soo koobay gudoomiyu hadalkii dardaarkanku ka mid ka ahaa ee Bulshada u soo jeedinaye.

www.Qurbejoog.com Hargeisa