Uncategorized

Isbahaysiga WADDANI Oo Maanta Xaflad Soo Dhawayn Ah U Sameeyey Ururka JAMHUURIGA Oo Ka Koobna Dhowr Urur Siyaasadeed


 

Hargeysa 13-11-2012(SDN)- Isbahaysiga Ururka WADDANI ayaa maanta Xaflad Soo dhawayn ah u sameeyey Masuuliyiintii Urur Siyaasadeedkii JAMHUURIGA ee hore ugu hadhay kala reebistii Shuruudihii ay  Guddiga Diiwaangelinta ururada Siyaasada  ku kala reebeen halka qaarna u soo baxeen tartanka Doorashada Golayaasha Deegaanka ee lagu wado dhamaadka bishani in ay ka dhacaan guud ahaanba gobolada iyo degmooyinka Somaliland

Munaasibadani oo ay goob jooog ahaayeen Masuuliyiinta ugu saraysa ee Ururka Isbahaysiga WADDANI iyo Masuuliyiintii iyo taageerayaashii Ururka JAMHUURIGA ayaa waxaa ay ka dhacday  Xoolka Xafladaha ee Xarunta Ururka WADDANI.

Waxaana ugu horayn ka hadlay  Sheekh Maxamed Cali Geedi oo ka mida Madaxda ugu saraysa ee Ururka WADDANI  oo dadkii madashaasi isugu yimi ka soo jeediyey hadal waano ah “walayaal nimcooyinka ilaahay in siiyey waa islaamnimda  aduunyadu waa maalmo  waana laga tegeyaa waana in aynu walaalayaal ilaahay ka cabsono waxaaynu nahay dad muslimiin ah oo waliba ilaahay gaalo inaguma dhex beerin walaalayaala waxaa aynu  ku jira bahal siyaasada oo dhib badan marka ilaahay waxaa aynu ka baryeynaa in uu Islaamnimada inaga Sugo dad ayeynu doonanaa in aan madax u noqono marka hore khayrka iyo wanaagu waa in uu inaga inaga muuqdo si aynu iyagana wax ugu qabano”

Waxaa kale oo isna goobtaasi soo dhawaynta ahayd ka hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka HAMHUURIGA Farxaan Siciid Khaliiif  waxaana ereyadiisi ka mid ahaa  “waxaan Maanta cadaynayaa in aanu ku biiray Ururka WADDANI meelkasta oo aanu u sahan taganay meelo badan soo marnay wax badan aanu ragrognay meelo badan ka eegnay waxaanu gob,aansanay in aanu ku biirnay Urur Siyaasadeedka WADDANI  go,aankayaga cid ka daba hadli kartaana ma jito”’

Waxa kale isna gaabtani ka hadlay Afhayeenka Uruka Jamhuuriga  waxaan hadalkiisii ka mid ahaa sidatan “ waa go,aanu aanu qaadanay weeyaan in aanu ku biirno Ururka WADDANI  ila markii ururadu bilaabmeen wadani waanu wada soconay go,aankayaga iyo sahankayaga marka aanu meel walba eegnay waxaanu ku biirnay Wadani Ururka Jamuuriga waxaa uu ahaa Sadex urur oo midoobay iminka Laga bilaabo waxaanu la howl gelayana Ururka WADDANI”

 

Boqor Muxumud Geele Seed  oo ka mid ahaa Masuuliyiinta ku Soo biiray bahwaynta WADDANI ayaa isna halkaasi ka hadlay “ Ururka JAMHUURIGU Waxaa uu ka kooba Dhowr Oo Ka Mid Yihiin  DAMAL ,NUUR ,Ururka  WADANI waxaanu ku soo raacnay maaha Qabiil ee waxaanu ku soo raacnay Qoomiyad nimo anigu ma ihi Siyaasi ee Madax Dhaqameed ayaan ahay maantana waxaanu joogna xaruntiisa  dhowr urur ayaan galay laakiin waxaan cadaynayaa Maanta Ururkii JAMHUURIGU yar iyo wayn waxaanu nahay WADDANI  ,markaa markaanu eegnay kala dambayntooda iyo wada shaqayntooda wanaagsan markaa manta waanu ku biiray  waxaan idinku dardarayaa oo aan gudoomiyaha ku raga ku xiga ku dardaarayaa in lays ogolaado oo kugsiga laysu haneeyo Udub waxay ku baa,baday waxaa weeyaan wada kursi doon ayey noqotay taasi ayaa keenta burburkeeada markaa ilahay waxaan ka baryayaa in uu WADDAN I Ururkii Jira uu noqdo ”

Afhayeenka Ururka WADDANI Ahna Maayir Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa ayaa isna Munaasibadani soo dhawaynta ah ka hadlay Maxamed Cabdilaahi Uurcade  waxaana hadalkiisii ka mid ahaa  “Maan a dadkii Galbeedka waxaa y ku soo biireen Ururka WADDANI  walalayaal waxaanu idiin sheegeyaa in Ururkani WADDANI waxaa  weeyaan mid ay dadku u siman yihiin waliba Somaliland oo dhami way ku dhan tahay ilaa saylac ilaa laasqoray ,waxaanu ururkani caanku ku yahay mid aan caytami oo aan aflagaado gaysani oo doonayaa in uu dalku u guuro horumar iyo cadaalada  Somaliladn dalka xaga nabad gelyada waa boqolkiiba boqol waxaanan dadka reer wadani waxaan ugu baaqayaa in la ilaaliyo nabad geliyada “

Hida Maxamed oo ka mid Gudoomiye ku xigeenada Ururka WADDANI oo dhamaan dadka jecel Horumarka iyo wax qabadka dhabta ah in ay taageeraaan Ururka WADDANI.

Uga Dambayntiina Waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Aqalka Wakiilada Somaliland Ahna Hogaamiyaha Ururka WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Ciro) oo halkaasi ka soo jeedeyey hadalo isugu jira  soo dhawayn iyo dardaaran uu u jeediyey dhamaanba shacabka Somaliland

“maaanta waxaa farxad noo ah in Ururka WADDANI uu ku soo biiray  Urur Siyaasadeedkii JAMHUURIGA  iskuma cusbin waxanu ahaa kii ugu horeeyey ee wada hadalna dhexmaray balse  manta ayey dhacday midowgu labada Cududood  markaa beryahan dambe awooda Isbahaysiga WADDANI waxaa ka qaylinayey  Awoodada ay mideeyeen waxaanu u sheegeynaa walaalahayo oo ka sii qaylinayey Cududa WADDANI waxaan leyahay waan tartamayana waxaan idin sheegeyaa waxaa inaga dhaxeeyaa waa shacabka shacabkana Xoog laguma kaxaysan karo ee waxaa loo soo bandhigayaa wax qabadka loo balan qaadayo markaa walaalayaa waxaaynu nahay Muwaadiniin xaq wada leh  in ay si xor iyo xalaal ah ay u tartamaan laakiin si sharciga waafaqsan ayaan u kal baxaynyaa ,Somaliland way is garayanaya deegaanka manta Jumhuuriga waxaa uu kamid yahay deegaanada ugu dadka badan waxaanu soo kordhiyaa  Cudud lixaad leh walaalayaal soo dhawaada waxa aynu samaynayaa waa Xusbi Qaran oo Sumadiisu  tahay Somaliland dadkuna way uwada siman yihiin wan soo dhawaynayaa dhamaan dadka taageerayaasha ah eek u jira Urur Siyaasadeedka JAMHUURIGA waxaanan leeyahay Maanta laga bilaabo waxaad tihiin WADDANI waan soo dhawaynayaa  intaasi waxaa ii raaca dardaaran waxaanan leeyahay Hantida Somaliland ugu wayni waa  nabada in nabada la ilaaliya waa in aynu musharaxiinteena kula dardaarnaa in ay ilaaliyaan nabada  waa in ciiidamada amaanka la shaqeyanaa qofkasta xil ayaa ka soo waa in uu nabada ilaaliyaa oo  waan in uu qof waliba feejignadaaa “

Waxaa kale oo iyagu Munaasibadani goob joog ka ahaa  Madaxdii ugu saraysay eexusbigii UDUB ee bah wadaagta la noqday Ururka WADDANI waxaan xubnahaasi ka Mid ahaa Musharaxii Madaxwaynaha Md Cali Maxamed Cabdilaahi Warancade  Ku Xigeenkiisa Axmed Xaaji Daahir Danjire Axmed Cigal

Dhinaca kale waxaa iyagu manta ku soo biiray Ururka WADDANI  Xubno dhowr ah oo ka mid yihiin Danjire Cumar Xaaji Maxamed (Cumar Dheere)  

Axmed Cali Qaasaali oo ah Gudoomiye Ku Xigeenkii Islamic Development Bank ee Jide,Kayse Xuseen Xirsi Iyo Idiris Garow Diiriye  oo qurbo joog dalka debediisa ka yimid isla markaana ku soo biiray Isbahaysiga Ururka WADDANI

Wariye Cumar Axmed Cumar (Cumar Qayir)

Email Selemiqayir@gmail.com

Tell: 252-24310308/00252-24775252

www.Qurbejoog.com Hargeisa