Uncategorized

Wasiirda Arrimaha dibeda ee dowladaha Turkiga iyo Iraan oo soo gadhay Muqdisho

Muqdisho Nov14/12 (SDN) Wasiirada arrimaha dibeda ee dowladaha Turkiga iyo Iraan  ayaa goor dhow ka soo degay garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo la kulmay madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya.

Madaxdaan oo si kala gooni gooni ah u gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo horeeyey wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga Daa’uud Ooglo.

Sidoo kale daqiiqado kadib waxaa ka soo degay garoonka Aadan Cadde wafdi uu horkacayo wasiirka arimaha dibadda ee dowlada Iiraan Cali Akbar Saalixi oo ka soo duulay magaalada Jubba ee dalka koonfurta Sudan.

Dhinaca kale wufuudan ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya, lamana sheegin ujeedada socdaalkooda, hase ahaatee waxaa loo gelbiyey xarunta madaxtooyada halkaasoo ay kulamo kula leeyihiin madaxda sare ee dowlada oo uu ugu horeeyo

Muqdisho qurbojoog.com