Uncategorized

Musharrax Maxamed-Calooley oo Reer Hargeysa U Soo Jeediyey Qorshe Cad oo Lagula Xisaabtamo Masuuliyiinta Dawladda

Hargeysa Nov 16,2012 (SDN- Musharrax Maxamed Axmed Maxamed Jaamac Ismaaciil oo Calooley loo yaqaan, kana mid ah Musharraxiinta Caasimadda Hargeysa uga tartamaya urur siyaasadeedka DALSAN ayaa bulshada reer Hargeysa, gaar ahaanna dhalinyarada ku boorriyay inay  hankooda muujiyaan oo ay cududooda kula xisaabtamaan madaxda qaybaha kala duwan ee laamaha dawladda.

Musharraxa oo shalay khudbad baraarujin iyo hogatus ah u jeediyey Kumanaan kamid ah taageerayaashiisa oo wejigii saddexaad ee ololaha urur siyaasadeedka DALSAN isu soo baxay waxa uu ka warramay qoddobo taabanaya  nolosha bulshada nugulka ah ee dalka, isagoo dadweynaha ugu baaqay inay codkooda ku hogaamiyaan madaxda u shaqaynaysa, ka ay garan waayaana ku bedelaan warqad.

Musharrax Calooley oo la hadlayay taageerayaashiisu waxa uu sheegay inay iskaga kala yimaadeen daafaha magaaladda  “Dhalinyarada halkan joogtaa maaha dhalinyar reer ama xaafad Hargeyska kamid ah lagu sheegi karo, waxa ay ka socdaan Xaafadaha Magaaladu ka kooban tahay oo dhan, haddii maanta anigu aan dhaco, waa inaanu inan (wiil) dambena soo hungurayn in la doorto, taas ayaan dadka u sheegayaa.

Cidda aan ku faanayo ee garab iyo hiil aan ka doonayaa waa dhalinyarada rag iyo dumar, waayo anigu reernimada waan ka weynahay baan ku idhi kuwa reeraha dabada ku haya, waxaanan doonayaa inaan hormood u noqday sidii dhalinyarada Somaliland ugu soo dhici lahayd tubta siyaasadda  oo ay ku hammiyaan inay dalkooda iska sharraxaan waxna u  qabtaan,  waayo dalkan ayuu illaahay innagu abuuray oo u baahan in wax loo qabto oo la dhiso, weliba dhalinyarada baahiyaheedu ciidda ayay ka badan yihiin hadday waxbarasho noqoto, ciyaaro (sports) iyo hadday goobaha lagu caweeyo ee dhalinyaradu kaga mashquusho belwadaha noqotaba, aad bay u badan yihiin baahiyaha ka maqan ee ay tabayaan, xaafad, xaafad kale dhaanta oo Hargeysa ku taallaana ma jirto, cidda la doonayo inay u doodo oo ay gacmaha is qabsataana waa da’ yarta.” Sidaa ayuu yidhi Md. Caloolay oo la hadlayay taageerayaashiisa ku dhaqan magaalada Hargeysa oo iskaga kala yimid dhammaan degmooyinka Caasimaddu ka mid tahay, kuwaas oo soo buux dhaafiyey gegida ciyaaraha kubadda cagta ee Xaafadda Xawaadle ee magaaladda HArgeysa.

Waxa kale oo uu ka warbixiyey sida dhalinyarada loogu danaysto marka cod iyo taageero laga doonayo,  kolka awrka lagu kacsadana iska daa wax loo qabta’e  weliba  tacadi loogu sii daro “Maaha Walaalayaal in  wiilka ama gabadha dhalinyar ah inta baahiyihii ku geddaanaa waxba laga qaban waayay haddana rasaas loogu jawaabo marka uu wax doono oo ay qaar ku dhintaan.”

Musharrax Maxamed Axmed Jaamac (Calooley)  mar uu ka hadlayey awooda bulshadu u leedahay bedellida madaxdooda waxa uu yidhi “Shan iyo labaatanka Xildhibaan ee golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa waxba ma beddeli karaan haddaan bulshadu diyaar u ahayn isbedelka, iyagu waxa ay Maareeyaan uun cashuurta ay qaadaan, waxaase loo baahan yahay in dadku ay  baahidooda  ku hoggaamiyaan  kolba maamulka Jira oo ay sheegtaan, haddiise ay baahiyahooda sheegan waayaan cidna wax u qaban mayso.

Markaa Walaalayaal, haddii Aad Codkiina na siisaan oo Illaahay golaha na geeyo iyo haddii uu qolo kale geeyaba, waxa lama huraan ah in dhalinyart la timaadaa la xisaabtan ay kula xisaabtamayso dawladdaha hoose , waayo xaafad kastaa cashuurta ay bixiso  saami (%) ayay ku leedahay dib loogu soo celinayo oo loogu talo galay in wax loogu qabto horumarkeeda, hadday waddo tahay , hadday garoon tahay iyo hadday iskuul tahayba, cidda doonaysa inay raadsato oo ay daba gashaa waa dhalinyarada ee maaha inaad is tidhaahdaan Maayarku Kursiga ayuu leeyahay oo kama kacayo , ee ma lahee waa shaqaale  la doonayo inaad la xisaabtan taan.

Markaa Walaalayaal waxan idin leeyahay dhalinyarooy ogaada  awoodda aad leedihiin inta ay tahay hana ugu dhaqaaqdo dhinaca wax dhiska iyo horumarka ee waa inaydaan kaga shaqayn belwadaha , sidaas waxaan idiin leeyahay Wiilku marka uu Sports-ka soo galo isaga oo aan laba sanno ku jirin ayuu markaba dhinaca Belwadaha u leexdaa oo uu mustaqbalkiisa madaw geliyaa taasna waxa ugu wacan hammigii baa ka xumaaday oo jidkii rajada ee uu higsanayay baa ku soo gaabtay, taasna walaalayaal waxaan idinkula dardaarmayaa in wax laga beddelo.” Ayuu yidhi Mr. Calooley oo khudbad dardaaran, waano iyo hogo-tus isugu jirta u jeedinayay dadkii faraha badnaa ee cududa taageeradooda ku muujiyey isu soo bixii khamiistii ay isugu yimaadeen garoonka Xawaadle.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay baahiyaha arrimaha aasaasiga ah ee barriinsaday Magaaladda Hargeysa oo Labaatameeyaddii sanno ee Somaliland jirtay ku geddaanaa caasimadda  oo fiditaankeeda iyo adeegyadeedu kala fog yihiin “ Baahiyaha Caasimadda Hargeysa yaalla Maalintii aynu soo galnay waynu ogayn intay leegayd, maantana waynu aragnaa inta ay leeg tahay, waxaas oo korodh ah  lamay kordhin arrimaha bulshadu, garoon ma jiro iskuul ma jiro,  caqliga bulshada ayaad marmar la yaabaysaa. Waxa kale oo jira dawladda hoose 21kaa sanno ee aynu jirnay wali dhulka danta guud ee ay qaado  Xabaalo  kama  ay jarin.

Dad xisaabtamaya noqda oo sidan si wanaagsan u xisaabtama oo xaafad kastaa guddi inta ay samaysato aqoon yahan ah halala xisaabtamo dawladda hoose oo cashuurta ay bixiyaan ha kala xisaabtamaan waxa kaga soo noqda degmadda, taas ayaa Horumarka lagu gaadhi karayaa” ayuu ku soo xidhay Musharraxu hadalkiisa.

Hubaal