Uncategorized

SAMO-TALIS: Dareen-celinta Aqoonyahan Maxamed Siciid Gees ee Shakhsiyadda Xaaji Cabdi-Waraabe, Qaybta 13aad

Professor Maxamed Siciid Gees, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland waxa uu ka mid yahay hal-doorka aan wax ka weydiiyay shakhsiyadda, aqoonta iyo xidhiidhka ka dhexeeya Xaaji C/Kariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe). Isaga oo Aqoonyahanku ii qaabilay si maamuus leh waxa uu dareenkiisa ku cabbiray sidan:

 

Xaaji C/Kariin Xuseen oo Xaaji Cabdi-Waraabe ku magac dheer, muddo badan ayuu magaciisu ku jiray taariikhda Somaliland ama taariikhda Soomaaliyaba. Aniga se kulankiisa waxa iigu horreysay Shirweynihii Hargeysa ka dhacay 1996-kii, oo uu  Guddiga Guurtidu maamulaysay, anna waxaan ka mid ahaa Guddigii Distoorka isku shaandhaynaysay, markaasaa kulan fool ka fool ah iigu horreysaa, laakiin magaciisa waan maqli jiray. Markii dambe ee 1997-kii aan ka mid noqday Golihii Wasiirrada ee ku jiray Xukuumaddii AHN Madaxweyne Cigaalna dhawr goor ayaanu kulannay oo aanu sheekaysannay. Fagaarayaal badan oo guusha Somaliland lagaga hadlayana waanu ka wada qayb galnay. Markii dambe ee aan shaqada ka tegay, ee aan Akadamiga Nabadda iyo Horumarinta madax ka noqdayna hawlo badan oo nabadayn ah ayaanu ka wada qayb galnay, gaar ahaan waxa uu Xaaji Cabdi madax ka ahaa Guddi ka tirsan Guurtida iyo Akadamiga Nabadda oo Wacyigelin ka samaynaysay Woqooyiga Hargeysa xilligii ay dhacaysay Doorasha Golaha Wakiiladu (2005), si wanaagsanna wuu noola shaqeeyay. Filimmo badan ayaanu ka qabannay, waraysiyo badan ayaanu ka duubnay, xitaa buugaag ayaanu ka qornay. Waa laga yaabaa qaar in aad ka hesho xaruntan Akadmiga.

 

Waa nin aad u maskax badan, inkasta oo aanu iskuul dhigan, haddana siduu wax u dareemo iyo sida wax uga bixiyo aragtidiisa waa mid qurux badan oo waayo-aragnimo badan ku salaysan, oo aad is odhanayso runtii ka jaamacadda ka baxay isaga ayaa ka maskax badan mararka qaarkood. Waxa aad loo xasuusan yahay 1994-1995kii gadoodkii ku dhacay beeshiisa ee ay ka gadoodeen xukuumadda iyo garoonkaas diyaaradaha (airport) arrimihiisa laysku haystay, wuxuu ahaa nin aad iyo aad iyo in badan nabadda ku dedaalayay inkasta oo aan lala fahmin. Markii inta badan beeshiisu baxdayna isagu wuu hadhay oo wuxuu yidhi “meel aan u baxaa ma jirto”. Xaaji Cabdi waxa uu ku caan yahay, taariikh weynna ku soo qaatay nabadaynta, deggenaanshaha iyo in dadku is-dhex galaan, oo qof walba xaqiisa la siiyo oo aan la dulmin. Wuxuu jecel yahay oo uu ka garaabaa in aan qofna shakhsi ahaan, qoys ahaan iyo qabiil ahaan midna loo dulmin, oo uu wax badanna ka qabtaa run ahaantii. Halgan weyn ayuu soo galay, waxaanu ka mid ahaa rukummadii nabaddan ay maanta S/Land haysato wax ka soo qabtay.

 

Inkasta oo aanay mararka qaarkood dadka qaarkood jeclaysan, oo ay malaa ugu dudaan wax ay doonayeen oo uu ku diidday, haddana mar kasta danta guud ayuu ka shaqeeyaa. Nin ka mid ahaa raggii Somaliland ka soo shaqeeyay, oo aan hadda noolayn, magaciisana la odhan jiray AHN Axmed Maxamed Cabdulle (Sakhraan) ayaa iiga sheekeeyay in 1947kii isagoo Cadan ka yimi uu Hargeysa ka noqday karraani ka shaqeeya maxkamad Ingiriisku sameeyay oo la odhan jiray “Aqil court”, halkaas oo ay fadhiisan jireen saddex Caaqil oo uu Xaaji Cabdi-Waraabe ka mid ahaa. Illaa maalintaas ayuu shaqada ku jiray oo uu Somaliland iyo Soomaaliyaba markii la isku biirayba ka shaqaynayay. Waa muddo ku dhaw 70 sanno ama ka badanba.

 

Waxa lagu xantaa in uu yahay nin dawladda jecel, waxaanay ila tahay aniga wuu ku saxsan yahay, maxaa yeelay Soomaalidu way aragtay waxa ay dawlad la’aani keento. Waxaana halkaas ka soo baxaya dawlad xun ayaa dhaanta dawlad la’aan, oo kollay lama helayo dawlad 100% wanaagsan. Markaa isagu maadaama oo uu ahaa nin soo gaadhay wakhti aan maamul jiri jirin sidaan filayo, oo noloshu tahay mid la is dilayo oo ninba ninkuu ka xoog weyn yahay xoolaha ka qaado, ee uu haddana arkay maamulka iyo dawladdii Ingiriisku in ay dadkii kala badbaadiyeen, wuxuu ku dedaalayay mar walba in aanu maamulku marnaba meesha ka bixin, waanu ku saxsan yahay.

 

Waxaan xasuustaa 1960-kii markii xorriyadda la qaadanayay aniga oo ah wiil yar ayaan doonayay in aan munaasibadda calan-saarka imaaddo, waanan soo lebistay, ka-dibna ayayday ayaa gacanta i qabatay oo tidhi “Xaggee ayaad tegaysaa”, waxaan ku idhi “Xorriyaddii baa la qaadanayaa, oo Ingiriisna waa tegayaa”. Waxay raacisay “ma dhabbaa in Ingiriis tegayo?”. Waxaan ku idhi “Haa”. Waxay tidhi “Oo haddii Ingiriisku tago, xaggee ayaa lacag laga helayaa”. Waxaan idhi “ayeeyo mooyi, ee i siiddaa”. Beri dambe ayaan ogaaday  in ayayday soo gaadhay in aan Ingiriisku ka hor lacag la isticmaali jirin, oo uu lacagta keenay Ingiriisku, markaasay u qaadatay haddii Ingiriisku tego in aan lacagi jirayn. Sidaasoo kale ayuu Xaaji Cabdina u qaatay haddii maamul la waayo in la is-dilayo, oo ay noqonayso aynu isu fasax qaadanno, sidii dhacday markii dawladdii Soomaaliya burburtay.

 

Sannadkii 2005tii ayaan Xaaji Cabdi ku idhi “Xaaji Cabdi immisaad jirtaa?”. Wuxuu yidhi “Waxaan jiray illaa  98”. Waxan idhi “aabbahaa immisa jir ayuu ku dhintay?” Wuxu yidhi “Ma garanayo, oo aniga oo yar ayaa la dilay”. Waxan idhi “Walaalkaana?”. Wuxuu yidhi “isaga oo da’ yar ayuu geeriyooday”. Waxan idhi “Hooyo ka warran?”. Wuxuu yidhi “Boqol sanno iyo dheeraad ayay ku dhimatay”. Markaa waxaan ku idhi Xaaji Cabdi, xagga cimri-dhererka waxa aad ka wadataa, oo aad ka raacday hidde-sideyaashii (genes) hooyadaa. Markaa immaka sidaan xisaabiyay wuxuu noqonayaa illaa 105-106 sano jir. Da’daa dheer ee uu jirayna waayo-aragnimo badan ayuu ka helay. Wax wayn oo dhaxal gal ahna wuu uga tagay ummadda Somaliland. Intaas ayaan ku soo ururinayaa.

 

 

7.1.6                Professor Maxamed Siciid Gees.

 

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland. Guddoomiyeha Akadamiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland, 31/Jenewari/2012, Hargeysa

 

 © Xuquuqda qoraalkani waxay u dhawran tahay qoraaga ku suntan.

La Soco Qaybta 14aad haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com