Hargeysa 18-11-2012-(SDN)- Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Somaliland, ayaa ugu baaqay dhinacyada ku tartamaya doorashada Goleyaasha deegaanka in ay u hogaansamaan natiijada doorashada,iyaga oo guddida doorashada ugu baaqay in ay si cadaalad ah doorashada u qabtaan.
Qoraal ka soo baxay guddida ayaa u dhignaa sidan:
1. Qodobka koowaad ayaa Gudida wanaag faristu waxay u soo jeediyeen Gudida doorashooyinka qaranka inay ku taagnaadaan dariiqoodii caddaalada, dhaarkana u dhigtaan culayskaay hawshaasi leedahay.
2. Qodobka labaad ayaa gudida wanaag faristu waxay ku wargeliyeen dhinacyada tartanku ka dhexeeyo inay u hogaansanaadaan natiijada kama dambaysta ah.
3. Dhinaca xukuumadda ayaa gudida wanaag faristu waxay u soo jeediyaan inay sii waddo culays dheeraadana saarto gudashada waajibaadkeeda dhinaca amniga. Dadweynuhuna ay si buuxda ula shaqeeyaan ciidamada amniga.
4. Dhaman dhincyada ay doorashadu saamaynta ku leedahay ayaa laga codsaday inay u hogaansanaadaan awaamiirta ciidamada amniga iyo baaqyada gudiyada kala duwan ee doorashada.”
www.Qurbejoog.com Hargeisa
