Uncategorized

Guddiga Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Ku dhawaaqay Sanaadiiqda Codaynta ee Dalka Oo Ah 1844 Sanduuq

Hargeysa 18-11-2012-(SDN)Guddiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay tirada Sanaadiiqda ee Dalka lagu gelidoono Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee hada dhowr maalmood uun ay ka xigto dhicidooda.

Gudoomiyaha Guddiga Komishanka Doorashooyinka Somaliland Md Ciise Yuusaf Xamari oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in ay si rasmi u soo saareen tirada sanaadiiqda cod bixinta ee dalka kuwaasi oo dadwaynaha somaliland ku codaydoonaan si ay u soo doortaan xidhibaanada golayaasha deegaanka ee shanta sano ee soo socda .

waxaa kale oo gudoomiye xamari intaasi ku daray in ay guddiga doorashooyinka ay dhameeyeen  cabashooyin la xidhiidha dhinaca goobaha cod bixinta kuwaasi oo ay hore uga soo cowdeen qaar ka mida dadka deegaanka doorashadu ka dhacayso gaar ahaan gobolka togdheer oo uu gudoomiyuhu cadeeyey  in la kordhiyey .

kala soco saacadaha soo socda warka oo dhamaystiran kala soco sacadaha soo socda Shabakada Wararka ee Caalamiga ah

www.Qurbejoog.com Hargeisa office