Tuulada Bilcile :18-11-2012-(SDN)- Guddoomiyaha degmada Dururuqsi ee gobolka Tog-dheer Axmed Cabdi Cabdilaahi, ayaa sheegay in tuuladda Bilcille ay xalay dad ku sumoobeen hilib awr lagu qalay halkaasi.
Guddoomiyaha oo aanu la xidhiidhnay ayaa sheegay in dadkani ay sumoobeen ka dib markii ay cuneen neef geella oo la qalay oo aan la xaqiijin inuu xanuunsan hayay iyo in kale.
Guddoomiyaha Degmada Dururuqsi waxa uu intaasi ku daray in lix qof oo ka mid ah dadka halkaasi ku sumoobay maanta la geeyay cisbitaalka magaaladda Burco, kuwaasi oo uu tilmaamay in xaaladoodu wanaagsan tahay.
“Dadkii kale Wasaaradda caafimaadka Tog-dheer ayaa gurmad deg deg ah u samaysay, xaaladooduna way wanaagsan tahay,”ayuu yidhi Axmed Cabdi Cabdilaahi oo la hadlayey warbaahinta madaxa banaan .
Tuulada Bilcile ayaa ka tirsan Gobolka togdheer waxaanay dhinaca ku haysaa Xuduudada Somaliland Itoobiya xidhiidhyo kala duwan oo ay howl wadeenada Shabakadu isku dayeen in ay la xidhiidhaan dadka eheladoodu ku sumoobeen hilibkani ayaanay noo suuro gelin isgaadhsiinta goobahaasi oo liidata awgeed.
www.Qurbejoog.com Hargeisa Office
