Uncategorized

Hal-abuurka Da’ada yar ee Jaamac Xandule oo tix gabaya oo la yidhaa”maxaaan balan dhaar ku qaaday”soo bandhigay

Fulda Nov 18,2012(SDN)-Hal-abuurka Da’ada yar ee Qurbejooga ah ee Jaamac Maxamed Xandule ayaa tix gabaya caawa soo bandhigay,tixdan oo la yidhaa “Maxaan Balan Dhaar ku Qaaday”.

Abwaanka ayaa somalidiasporanews.com/qurbejoog.com u sheegay in tixdu ka warameyso”wiil jecelaa wax badan gabdh,oo ay uu joojin waydeey, see nabsi waa balaayee… marku ka sii jeedsaty oo gabdh kale helay ay iyadu dib uu jeclaatay”

Hadaba Dhuuxoo ka Bogo tixda Maxaan Balan Dhaar ku qaaday.

maxaaan balaan dhaar ku qaaday
in aan dhankaaygaa adkeeyo oon
caashaqa kaligeey dhadha

abo
maxaaan dhaawaca uu diiday
siidi ilmaa yaro dhamays ah
kaligeey aaan dhool dhoolinaayeey
maxaaan diiftaa iyo kuleeylkaa
dhaxama kaligeeey uu meeray
dhacamo waawayn uu gooyeey
intaaan dheemanay ku idhi
jacaylka kugula dheelamay
adigu aad ka dhoohanaydoo
, dhirbaaxadaa aaad ku jiiday
ku dhaaftay meelo dhawar ah
igu dheeshay siidi dhalaanka
maxaaan dhamanada qabsaday
ka dhagagay hadaladaadaa
siidi dhibicihiisa roobka, muxuu dhididku ii qooyeey
laa dheelamay muruugo dhawar ah

haduu dhexeyareey adigaa
ku soo riitay dhagar qaabi
qajeelaad laa dhuubmiyo
qaadhaadhkiisaa dhuuqiyo
dhalanteedkaa run moodiyo
dhankiisaa uu jeedsano
dharkeeyntaa dad moodiyo
dheehuna kaa qaadmiyo
anigu waan ku dhaafayee
adigu sii yaraa dhabee.

SDN-Fulda
contact@somalidiasporanews.com