Uncategorized

Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasada Oo Ka Hadlay Qaabka Ay U Kala Saaridoonaan Ururada Iyo Xisbiyada U Tartamaya Doorashada Deegaanka

 

Hargeysa 19-11-2012(SDN) Guddiga Diiwangelinta Somaliland ayaa ka hadlay sida ay u kala saarayaan Ururada iyo Xisbiyada kala duwan ee u tartamayaa doorashooyinka golayaasha deegaanka  ee maalmaha fooda inagu soo hayaa lagu wado in ay ka qabsoomaan dhaman gobolada iyo degmooyinka  dalka oo idil.

Guddoomiyaha diwaan-gelintu waxa uu sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Hargeysa. “Waxaanu samaynay qaabka loo kala baxayo, oo aanu u dejinay ururrada iyo axsaabta ee degmooyinka iyo gobollada Berbera iyo Burco, in marka natiijadu soo baxdo ee ay soo saaraan guddiga doorashooyinku shaxdaasi inay ka samaysan karaan urur kasta iyo xisbi kasta inuu soo baxay iyo in kale oo markaanu dadweynaha tusno inaanu komishanka doorashooyinka waxba ku haysan.” ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Guddoomiyaha guddiga diwaan-gelinta ururrada iyo ansixinta axsaabta, waxa uu sidoo kale sheegay in xildhibaannada tartamayaa ay ku soo baxayaan codka xisbiga uu ka helo. “Haddii Hargeysa laba boqol oo kun codeyso, shan iyo labaatan kursi ayaa lagu tartamayaa 175 musharax ee tartamayaa waxay u tartamayaan25 kursi, waxaana loo qaybinayaa labada boqol ee kun ee cod, markaa 8 kun ayuu noqonayaa qiimaha kursiga lagu fadhiisanayaa, dabdeedna xisbigii afartanka kun helay waxa uu helay shan kursi, waxaanu qaadanayaa shanta kursi ee ugu saraysa, waxa dhici karta xisbi dalacsi ku helay hal kursi 400 500, 300, 800 inuu gaadho 8-dii kun ayuu siinayaa ka ugu sareeya, markaa waxa dhici doonta in ninkii labada kun helay uu dhaco, ninkii kun ka halayna uu soo baxo. markaa ma jiro musharax wax helayaa ee xisbiga ayaa wax helaya oo shuraako ayay ku yihiin shan iyo labaatanka musharax, oo hadhow haddii, ka meesha fadhiistay meesha ka baxo ka ku-xiga ayaa meeshiisa galaya, markaa waxaan leeyahay waxba kama jiraan sheekada ah shan iyo labaatanka Hargeysa ugu sareeya ayaa soo baxaya.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Diiwaan-gelinta Ururrada iyo Ansixinta Xisbiyada Cabdirisaaq Ciyaale.

www.Qurbejoog.com Hargeysa