Boorame 19-11-2012(SDN)-Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland oo gaadhay Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal isaga oo Madaxwayne Ku Xigeenka ka kicitimay Caasimad Hargeysa una caraabay Boorame
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa makhribkii caawa gaadhay magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorame. Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Badhasaabka Gobolka Awdal Axmed Xadi Sidci, Maayarka Boorame C/Raxmaan Shide Bille iyo Masuuliyiin kale.
Badhasaabka Gobolka Awdal Axmed Xadi Sidci, oo qaar ka mid ah warbaahinta Madaxbanaan la hadlay ayaa u xaqiijiyay socdaalka Madaxweyne Ku xigeenka, waxaanu tilmaamay inuu qaadan doono muddo laba maalmood ah.
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu isla caawaba kulamo is xog waraysi ah la yeeshay Maamulka Gobolka, degmadda iyo madaxda laamaha dawladda ee gobolka awdal.
Badhasaabku waxa uu noo sheegay in Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland.
Sida ay sheegayaa wararka ka imanaya gobolka Awdal waxa lagu wadaa in madaxweyne Ku xigeenku inuu maalinta arbacadda dadweynaha Boorame kala hadli doono fagaaraha Khayriyadda maadaama oo xisbiga talladda haya ee KULMIYE u leeyahay kaltanka maalintii afraad ee ololaha doorashada deegaanka ee dalka qabsoomi doonta 28-ka Bishan.
www.Qurbejoog.com Hargeisa Office
