Uncategorized

Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye Iyo Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Oo Loo Faaruqiyey Fagaaraha Beerta Xoriyada iyo Madaxwayne Siraanyo oo socdaal la filayiyey inuu ku tago Gabilay la hakiyey.

 

Hargaysa Nov 21/12 (SDN) Xisbiga taladda haya ee Kulmiye ayaa soo khatimay wareega afaraad ee Ololihiisa Doorashadda Golaha Deegaanka oo uu maanta u lahaa, kaas oo Taageerayaasha Musharixiinta Xisbul xaakimka uga qayb-galaya Doorashadda Goleyaasha Deegaanka ee Todobaadka soo socda Dalka ka dhici-doonta ay iskugu soo baxeen Fagaaraha Beerta Xoriyadda si ay u muujiyeen Taageeradda ay u hayaan Musharixiintaasi.

Taageerayaashii iskugu soo baxay Fagaaraha Beerta Xoriyadda ee Magaladda Hargeysa ayaa markii ay Musharixiintu khudbaddaha u jeediyeen ay dhagaha u fureen si ay u dhagaystaan balan-qaadyadda ay Musharixiintaasi codkooda ku siinayaan, waxaana ay Musharixiintaasi balan-qaadeen inay daacanimo u gudan-doonaan haddii ay Codkooda siiyaan.

Masuuliyiinta Xukuumadda ee ka soo qayb -galay ololahaasi ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Nuur Caraale (Duur), Wasiirka Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) iyo Wasiirka Waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, halka ay Xisbul xaakimka Kulmiye-na ay goob-joog ka ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbigaasi Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf iyo Marwadda Madaxweynaha Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirdde (Aamina-waris) oo iyaddu-na qayb-ka ahayd ololahaasi Xisbul xaakimka Kulmiye.

Wasiiradda Kalluumaysiga iyo Waxbarashadda iyo Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa markii ay khudbado u jeediyeen Taageerayaashii iskugu soo baxay Fagaaraha Beerta Xoriyadda ay ka dareereen, kuwaas oo u muuqdday kuwo aan niyadda u hayin Khudbadahaasi ay Maasuliyiinta Xisbul xaakimka iyo Wasiiraddu u jeediyeen.

Taageerayaashii maanta ka qayb-qaadaynayey ololaha Xisbiga Kulmiye ayaa u muuqdday kuwo Cududooda Taageero aad u yarayd waji gabaxna ku noqtay masuliyiintii halkaa isku timid .

Hargaysa Qurbojoog.com