Guriceel Jan 28 2013 (SDN)— Waxaa faah faahin ay ka soo baxeysaa tiro Xildhibaano ah oo shalay gaaray Magaalada Guriceyl ee gobolka Galgaduud halkaasi oo ay ka taliyaan maamulka Ahlu Sunna ee dowlda taageersan.
Xildhibaanada gaaray Guriceel oo ah kuwo dhamaantood ka soo jeeday gobolada dhexe ayaa waxa ay ka koobnaayeen 5-xubnood waxaana hogaaminayay Xidhibaan C/naasir Gaarane Maxmed oo ka tirsan Barlamanka Soomaaliyeed.
Ujeedka safarka Xildhibaanadan oo siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Guruceel ayaa lagu sheegay in ay qiimeeyaan Amaanka iyo nolosha gobolada dhexe iyagoona booqan doona degmooyin kala duwan oo gobolada dhexe ah.
Sidoo kale wafidgan Xildhibaanada ah ayaa la sheegay in ay hordhac u yihiin wafdi sare oo dowladda ka socda oo la filayo in uu gaaro gobolada dhexe islamarkaana ay la kulmaan Maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe intiisa badan ka taliya.
Xildhibaanadii shalay gaaray Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa kala ahaa:
1. Xildhibaan C/naasir Gaarane Maxamed
2. Xildhabaan Jawaahir Axmed Cilmi
3. Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad
4. Xildhibaan Nuur Faarax Cilmi
5. Xidhibaan C/laahi Yuusuf Cali
SDN-Muqdisho
