Uncategorized

Maxaa kulansiiyay Diidmada Somaliland ee ka qeybgalka Shirka London iyo Britain in Muwaadiniintooda kala baxdo Somaliland?

Hargeysa Jan 28,2013(SDN)- Dawlada dalka Britain ayaa hadal ay soo saartay shalay gelinkii danbe ayaa u muuqda Jawaab diidmada Somaliland ku diiday ka qeyngalka Shirka wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo Britain ay dabada ka riixeyso.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali waraabe ayaa maalmahanba waday olole lagu diidayo ka qeybgalka shirka London ee Soomaaliya iyo Somaliland lagu wada hadal siinayo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dawlada Britain ay shirka ku casuuntay madaxweynaha Soomaaliya si uu u Guddoomiyo.

Taas oo sida dimlomaasoyada caadiga ku ahi ay xukuumaduhu mucaaridka u isticmaalaan diidmadooda.

Dawlada Britain oo ka talaabo qaadaneysa aqoonsigii Mareykanku dhawaanta siiyay dawlada Muqdisho ayaa isna sheegay in shirka wadahadalka Somaliland iyo Somalia ay wada jir u guddoomin doonaan Soomaaliya iyo Britain.

Britain ayaa u muuqata in si degdega ay uga soo jawaabtay diidmada Somaliland ee shirka.

Waxaana maanta ay Britain ugu baaqday muwaadiniinteeda in ay gebi ahaanba isaga soo baxaan Somliland.

Britain ayaa sheegtay in ay jiraan xogo xibaaxaya in falal amni daro ay ku soo fool leeyihiin Somaliland.

Dawlada Somaliland ayaa dhankeeda si toos ah u beenisay jiritaanka khatarahan.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland Md Maxamed Cadilaahi Cumar ayaa sheegay in aaney dawladiisu qabin in digniinta Britain ee ku wejahan amniga dalka ay loo qaateen tahay.

Wasiirku waxa uu ku adkeystay in amniga Somaliland u yahay mid la isku haleyn karo.

Si kastaba ha ahaatee hadalkan ayaa soo dedejinaya tuhunadii dadka qaar ka qabeenee dawladaha reer Galbeedku ay dhici karto in ay in Somaliland culeys lagu saarayo sidii loola hadalsiin lahaa Soomaaliya.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com