Hargeysa Jan 28 2013 (SDN)– Xukuumadda Somaliland ayaa beeninsay waxana kama jiraan ku tilmaamtay war ka soo baxya dowladda Ingiriiska oo sheegay qatar Amaan oo ka jirta Somaliland.
Shir jaraa’id oo uu xalay goor danbe ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Somaliland Wasiirka Arrimaha dibada Maamulkaasi ayaa waxa uu ku beeniyay in qatar ka dhan ah Amaanka dadka reer galabeedka ah ee ka jirto dhulka uu maamulkoodu ka taliyo.
Maxamed C/laahi Cumar ayaa sheegay Xukuumadda Somaliland ay soo gaartay warbixin ay dowladda Ingiriisku soo saartay waaxana uu intaasi ku darayn in warbixintaasi habayaraatee wax muujinaya aysan Somaliland heyn, isagoo ugu baaqay dadka Somaliland iyo Ajaanibtaba in ay is dajiyaan, xasiloonina ay muujiyaan.
“Waxaan helnay Fariin ka timid dowladda Ingiriiska oo muujineysa dareen xaga Nabadgalyada ah, argagaxisanimo, waxaan shacabka reer Somaliland in Ajnabiga kale ee dalka ku nool iyo beesha caalamkaba u sheegeynaa in Xukuumadda Somaliland aysan heyn wax mushkilad ah ama dareen ah ama cabsi ah oo la xiriirta Nabad galyada dalkan” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.
Wasiirka ayaa caraka ku adkeeyay in Amaanka Somaliland uu gacanta ugu jiro Ciidamada Amaanka iyo Hay’addaha Nabadgalyada, waxana uu muujiyay in Somaliland ay kalasooni buuxdo ku qabto Nabadgalyada dhulka ay maamusho.
Maxamed C/laahi Cumar ayaa hoosta ka xariiqay in dhigniinta baqadinta ah aysan waxba ka badlneyn kuwii mandiqa laga soo jeedin jiray islamarkaana ay baaritaano ku sameynayaan hadalka ka soo yeeray Boqortooyada Ingiriiska.
Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay tahay meesha ugu badan ee ay joogaan dadka Ajaanibta ah ee Mandiqada u soo safra waxana uu sheegay intaasi ay tahay sababatay warbixintan loo soo saaray.
SDN-Hargeysa
