Addis Ababa Jan 28 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeedinaye furitaanka shirka Midowga Afrika ayaa wuxuu sheegay in wadamada Midowga Afrika looga baahan yahay in dalka Soomaaliya ay garab istaagaan.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya iminka ay ka baxday KMG iminkana ay tahay Dowlad rasmi ah oo la jaan qaadi karta Dowladaha ka jira caalamka isaga oo sheegay in Soomaaliya marwaliba ay mudan tahay in la gargaaro.
Wadamada Midowga Afrika ayuu ka codsaday in Soomaaliya la garab istaago maadaama Dowladda cusub ay tahay Dowladda iminka hana qaaday oo u baahan garab istaagida wadamada ku yaala geeska Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud khudbada uu ka jeediyay furitaanka shir madaxeedka wadamada Afrika oo socotay muddo 15-daqiiqo ah ayaa sidoo kale wuxuu kusoo hadal qaaday arimaha qaxootiga Soomaalida ee ku sugan dalka Kenya isaga oo sheegay in iminka uu socdo qorshe Dowladda ay dib ugu celinayso dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in la sameyn doono guddi ka shaqeeya qaxootigaasi oo isugu jira Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale hay’adda dhanka qaxootiga u qaabislan Qaramada Midoobay ee UNHCR.
Isaga oo hadalka siiwata ayuu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka codsanayo Afrika inay ka shaqeeyaan sidii cunaqabateynta dhanka hubka ah ee saaran Soomaaliya looga qaadi lahaa si buu yiri Dowladda ay awood ugu yeelato la dagaalanka Al-Shabaab iyo ciribtirka burcadbadeeda.
SDN-Addis Ababa
