London Feb 07 2013 (SDN)— Wargeyska The Times ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa waxa uu qoray warbixin sheegeysa in dowladda Ingiriiska ay Ciidamo u direyso dalka Soomaaliya oo ay ku suganyihiin Ciidamo Nabad Ilaalin ah oo ka socda Midowga Africa.
The Times ayaa tilmaamay in Ciidamada Ingiriisku ay u dirayaan Soomaaliya ay yihiin koox quburo ah oo ka tirsan Ciidamada dibada ee Maraykanka kuwaasi oo sida ugu dhaqsiyaha badan ku gaari doona Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Ingiriiska ayaa sidoo kale safaarad ka furanaya Magaalada Muqdisho muddo 21-sano ah kaddib waxana la filayaa in howsha safaarada lagu furayo ay ka bilaabato maalmaha soo socda Magaalada Muqdisho.
Safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya ee hada fadhigeedu yahay dalka Kenya ayaa sheegtay in dhawrka Ciidamada Ingiriiska ah ee lageynayo Soomaaliya uusan aheyn in ay dagaalada ka qeyb qaatana balase ay u howlgalidoonaan in ay tabararo siiyaan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Wararka qaar ayaa sheegaya in howsha tababar bixinta marka laga sootago ay ciidamada yeelan doonaan dhawr ah talo ka bixinta dagaalada lagula jiro AL Shabaab iyo sidoo kale in ay ilaaliyaan shaqaalaha safaarada Ingiriiska ee uu ka furan doono Soomaaliya.
SDN-London
