San Diego Feb 07 2013 (SDN)—Afar ruux oo muwaadiniin Soomaali ah ayaa waxaa dhagaysiga dacwad loo heysto oo ah inay taageero siiyeen Ururka Alshabaab ee dagaalka kula jira ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay ka bilaabatay maxkamad ku taala dalka Maraykanka.
Afarta ruux ayaa maxkamada waxay sheegtay in usoo safreen dalka Soomaaliya si ay kaga barbar dagaalamaan ururka Alshabaab,halka qaarkood ay dhaqaalo ku taageereen Alshabaab.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa waxay kala yihiin Axmed Nasir Tahliil Maxamed,oo ahaa Taksiile,Bassaley Macalin,oo isna tagsiile ka ahaa magaalada San Diego ,Maxamed Maxamuud,oo imam masjid ahaa,iyo Ciise Doore oo ka shaqeynayay shirkada xawaalad ah oo ku taala magaalada San Diego.
Waxaa dacwadaha lagu heysto ka mid ah in dhaqaalo gaaraya 8,500 oo doolar ay ku taageereen ururka Alshabaab ee ku sugan dalka Soomaaliya.
Maxkamada ayaa waxaa laga dhagaystay codka Aadan Xaashi Ceyrow oo kamid ahaa Alshabaab kaasi oo Bassaley Macalin weydiisanaya dhaqaalo lagu sii wado dagaalka ka dhanka ah dowlada, Feb. 3, 2008.
Dhowr jeer oo hore Maxkamadaha dalka Mareykanka ayaa la horkeenay muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu eedeynayo inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab iyo Kooxda Burcad badeeda Soomaaliya ”
