Hargaysa 07.Feb (SDN) Kulan sadex geesood ah oo ay isugu yimaadeen Qaar ka mid ah Wasaaradaha Dawlada,Hay’ada Neerad iyo FAO,oo lagu gorfaynayo daraasad lagu soo bandhigayay Sahan laga sameeyay nolosha dadka Xoolaha,Biyaha,Baadka,iyo wixii kale ee nolosha Khuseeya ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa .
waxaa furitaankii kulankaaska ka hadlay madaxa xafiiska hay’ada cunada iyo beeraha ee FAO Prof Mahdi Geedi Qayaad ayaa Sheegay in ujeedada kulankani ay salka ku hayso sidii qiimayn loogu samayn lahaa Nuxurka daraasadani Xambaarsan tahay isagoo Xusay in daraasadani ay tahay mid ay lixdii biloodba mar qabtaan,si loo ogaado ayuu Yidhi Xaaladaha ay ku sugan yihiin nolosha dadka,Xoolaha.
Prof Qayaad waxa uu intaas ku daray in daraasadan markii ay diyaarinayeen ay socdaalo ku soo mareen dhamaan Gobolada dalka isla markaana ay ku ogaadeen in Lix tiir ay nolosha bulshadeenu ku xidhan tahay kuwaas oo u kala baxa sida uu sheegay Afar reer Guuraa ah,iyo laba beeralay ah,isagoo ka qayb galayaashii kulan hawleedkana u soo jeediyay in ay naaqishaad ku sameeyaan daraasadan,si wixii talo ah ee ay ku darsanayaan la isula meel dhigo.
Waxaa kale oo madashaas ka hadlay Madaxa Waaxda Nafaqada ee Wasaarada Caafimaadka Axmed Jaamac Muuse oo tilmaan ka bixiyay faa’iidada Daraasadan.
Hargaysa SDN.
