Hargaysa 07.Feb (SDN)Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada ee Somaliland Md.Maxamud Xaashi Cabdi ayaa maanta ka hadlay Heerka Amni ee Somaliland iyo Wararkii ka soo baxay dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ee ay ugu digayeen Muwaadiniintooda ku sugan Somaliland oo ay ku wargaliyeen inay la yimaadaan Taxadir dheeraad ah isla markaana ugu baaqeen inay ka soo baxaan Gudaha Somaliland iyagoo ka cabsi qaba Khataro la soo dersa .
Wasiirka Duulsta iyo Hawadu waxa uu hadalkan ka jeediyay Munaasibad uu ku Wareejinayay Maamulka Madaarka Berbera Gaadhi Noocia 4WD ah oo ay dawlad Ingiriisku ugu deeqday Wasaarada Duulista iyo Hawada isla markaana ka qayb qaadan doona socodsiinta hawlaha madaarka Berbera.
Md.Maxamud Xaashi Cabdi oo ka hadlayay xaalada nabadgalyada ee Somaliland ayaa waxa uu yidhi “heerka nabadgalyada ee Somaliland ay maanta marayso iyadoo dunidu qaarkood baqe ay qabaan ay muujiyeen,Macnaheedu ma aha,Qiime dhimis laguma samayn Guud ahaan nabadgalyada Somaliland,lama odhan amnigii Somaliland ayaa Xumaaday ama hoos buu u dhacay”.
Wasiirka oo Iftiiminayay dhawaqyada ka soo yeedhay Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ee ay ugu digayeen Muwaadiniintooda ku sugan Somaliland ayaa waxa uu Yidhi “ Dawladahaasi waxay tilmaameen Haliso iman kara,ayay dadkooda uga digeen waana wax iman kara,oo ay sameeyaan iyagoo ka duulaya dhacdooyinka Aljeriya,iyo Liibiyaba ka dhacay waayo dee Muwaadiniintooda ayay Mas’uul ka yihiin”
Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada ee Somaliland Mudane Maxamud Xaashi Cabdi waxa uu u soo jeediyay dadka ka dhoofaya madaarka Magaalada Berbera inay ilaaliyaan nidaaamka u degsan Madaarka isla markaana ay ku xaq dhawraan hawl wadeenada Madaarka iyo Ciidamada nabadgalyada wax kasta oo la xidhiidha gudashada Waajibaadka loo xilsaaray.
Waxaa kale oo Munaasibadas ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Iyo Maayarka Magaalada Berbera C.shakuur Cidin oo ku amaanay Wasiirka Duulista iyo Hawadu sida uu Wax uga qabtay Madaarka Berbera Mudadii uu Xilka Wasaaradaasi hayay.
Hargaysa SDN.
