Uncategorized

Golaha Wasiirada oo Maanta kulankoodii ku Amaanay Ciidamda AMISOM ee Jabuuti ee ku sugan Magaalada Baladweyne, Hiiraan

Muqdisho Khamiis Feb 07 2013 (Warasaxaafadeed)— Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shir isugu yimaaday, Isagoona shir-guddoominayay Raysul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Cabduqaadir Faarax Shirdoon, Waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid aheyd Safaradii ugu dambeeyay ee raysul wasaaraha ku bixiyay gobalada dalka gaar ahaan safarkii ugu dambeeyay ee Beledweyne iyo dowrka ay ciidamada AMISOM ee dalka Jabuuti ka qaateen xasilinta Magaalada Beledweyne.

Golaha ayaa amaan ballaaran u soo jeediyay Ciidamada AMISOM ee dalka Jabuuti ee ku sugan Xarunta gobalka Hiiraan ee Magaalada Beledweyne, Iyagoona lagu amaanay iney dowrkii loogu tagalay aysan ku ekaan ay sameeyeen dadaal aad u ballaaran oo ka dhexmuuqata walaaltinimada Jabuuti ay u heyso Soomaaliya.

Waxeyna intaasi ku dareen in Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan howlgalka Nabad Ilaalinta AMISOM ay ciidamada Militeriga Soomaaliyeed ay ula dhaqmaan si iney ka mid yihiin ciidamada Jabuuti oo kale, taasina waxey kor u qaaday Kalsoonida ciidamada Soomaaliyeed iyo tan shacabka.

Golaha ayaa sidoo kale isku raacay magac bixid cusub oo loo isticmaali doono Maamul u sameeynta gobalada oo maanta kadib ay isku raaceen in la isticmaalo Maamul Usameesashada gobalada. Golaha ayaa sheegay in maamulada ay ka imaanayaan shacabka gobalkaas ilaa iyo kan degmada ee ma ahan mid ay xukuumadu u sameyn doonto balse dadka ayaa soo dooran doono maamulka Xukuumaduna waa ay ku taageereysaa.

Golaha ayaa ka hadlay Canshuuraha Shaqaalaha dowladda laga qaadayo markii Mushaaraadkooda la siiyo, waxaana u taagan wasaaradda maaliyadda.

Wuxuuna sidoo kale Golaha xusay in gudiga madaxa bannaan ee shaqaalaha rayidka uu dhamaaday waqtigoodii ay ku shaqeyneysay maadaama ay dowladdii KMG aheyd dhacday balse loo cusbooniin doono waxaana arrintaasi ka shaqeynaya Raysul wasaaraha.

                                                  —-DHAMAAD—- 

Abdinor Abdikadir Mohamed(Daacad) 

Deputy of Communication Director Office of the PM