Uncategorized

Xisbiga Wadani oo ka hadlay Wada Shaqayn la’aanta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa,Xaalada nabadgalyo ee dalka iyo arrimo kale.

Hargaysa 07.Feb (SDN) Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Fashilaad Siyaasadeed ku tilmaamay Xidhiidhka Murugsan ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisa iyagoo cadeeyay in Xukuumada iyo Xisbiga ay ka soo jeedo ee Kulmiye aanay Wada Socon,Waxaanay sidaas ku Sheegeen Shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Xaruntooda Caasimada Hargaysa

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa  ayaa halkaasi ka soo Jeediyay Warsaxaafadeedkii u horeeyay ee ka soo baxa Xisbigooda kuna Wajahan Xaalada Guud ee Dalku marayo waxa uu afhayeenku warsaxaafadeedka ku bilaabay “Waxa jira Marxalado badan oo aan laga aamusi Karin una baahan in Xisbi ahaan aanu wax ka nidhaahno. Arrimahaa waxa ka mida  arrimaha nabadgelyada, siyaasada ay Xukuumaddani dalka ku hagayso, gaar ahaan arrimaha dibada iyo xalinta khilaafaadka gudaha, mudadii ay Somaliland jirtay waxay ku soo naaloonaysay Nabadgelyo taam ah”.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaa baryahan iska soo daba dhacaayey baaqyo  waxyaabo amniga lagaga  dayrinaayo , waxayna taas keenay  ama aragnaa xisbi ahaan inay jirto hoos u dhac weyn oo ka yimi dhankii wada shaqaynta  xukuumadda talada haysta iyo hay’adda amniga”

Mudane Ibraahin Mahdi Buubaa waxa uu ka hadlay Wada Shaqayn la’aanta u dhaxaysa Hogaankii Qaranka oo ah Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisa “Waxaad ogtihiin in uu jiro khilaaf soo kala dhex-galay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo gaadhay in uu madaxweyne ku-xigeenku   sii sagootiyey  waayo madaxweynaha oo safar u baxaya , waxaan leeyahay may ahayn inuu madaxweynuhu dhoofo isaga oo arrinku halkaasi maraya”.

Afhayeenka Xisbiga Wadani waxaa kale oo uu Sheegay inay Xukuumadu ka weecatay dariiqii ay Somaliland ku xalin jirtay wixii soo kala dhex gala Ummada taasina ay keentay sida uu Yidhi in beesha caalamku ka warwarto nabadgalyada wadanka isagoo yidhi  “Waxay gaadhay meeqaamkii ugu hoosaysay ee la gaadho waana ta keentay in ay beesha caalamku amnigii ka walaacaan, waana waxay aragtay beesha caalamku, Xukuumaddu waxay baal martay sunihii ay mari jirtay Somaliland ee ahaa in ay wax kasta lagu xaliyo qaab  madax dhaqameedku dhex gali jireen  , iyo Culima awdiinta “.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed iyo Xubin ka mid ah Gudida Fulinta ee Xisbigaas ayaa Madashaasi ku Sugnaa.

Hargaysa SDN.