Uncategorized

Shirkii Wadamada Islaamka OIC oo qaahira lagu soo gabo gabeeyay

Qaahira Feb 08 2013 (SDN)– Shirka wadamada Islaamka ee OIC ayaa lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Qaahira ee Caasimada dalka Masar iyadoo Soomaaliya ay u matalayeen Madaxweynaha Jamhuuriyada iyo wafdi la socday.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen in kabadan 60-wadan ayaa waxa qudbad ka jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaasi oo u sheegay wadamada Islaamka in Soomaaliya isbadal uu ka soconayo islamarkaana ay u baahantahay in laga gacan siiyo hormarinta dhinayacda Amaanka iyo nidaamka dowliga ah.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dowladiisa dhawrka bilood jirta ay guulo waa weyn ka gaarta Ladagaalanka iyo yareenta Burcad badeeda Soomaalida iyo Xarakada Al Shabaab oo dhulbadan oo ay gacanta ku hayeen laga saaray.

Ugu danbeyn shirka kaddib ayaa Madaxweynaha Soomaaliyaa oo ay wehliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Fowsiyo iyo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir waxa ay la kulmeen Madax ay ka midyihiin dalka Isu taga Imaraadka Carabta(UAE) iyo Cumaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in Madax kale uu la kulmo isagoo marka uu kulamadiisa soo dhameystana ku soo noqon doona Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.