Kismaayo Feb 08 2013 (SDN)– Maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo ayaa shaaca ka qaaday in uu dhowaan furmi doono shirkii maamul u samaynta gobollada Jubbooyinka, kaas oo ay rajo ka muujiyeen inay furi doonto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ah guddoomiyaha maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Kismaayo ka sheegay in dowladda federaalka ah iyo dadka deegaankuba ay dowr ku leeyihiin maamul u samaynta gobollada Jubbooyinka, wuxuuna xusay inuu dhinac kasta dowrkiisu cad yahay.
Axmed Madoobe ayaa ka digay in ay dowladda Soomaaliya magacowdo maamul matala dadka deegaanka, arrintaas oo uu tilmaamay in aanu xal u noqon karin gobollada Jubbooyinka, wuxuuna ballan-qaaday in maamulkiisa KMG ah uu diyaar u yahay inuu xilka ku wareejiyo ciddii ay dadka deegaanku soo doortaan.
Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in ay dowladdu guddoomin doonto shirka maamulka lagu dhisayo, dadka deegaankuna ay dooran doonaan ciddii hoggaamin lahayd.
Shirkii Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa looga hadlay maamul sameysashada gobollada laga saaray Al-Shabaab.
