Baydhabo Feb 13 2013 (SDN)— Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in uu ka bad baaday Weerar qorsheysan oo la doonayay in lagu qaarajo.
Wakaalada Rasmiga ah ee wararka u faafisa dowladda Turkiga ee lagu Magacaabo Anatolia ayaa soo warisay in Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Janaraal C/qaadir Shekh Cali Diini uu ka badbaaday weerar qarax ahaa oo la doonayay in lagu dilo.
Anatolia ayaa tilmaamtay in weerarkaasi qaraxa ahaa oo uu ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay waqti aysan cayimin waxaana la sheegay in taliyaha uu badbaaday hase ahatee qaar kamid ah ilaaladiisii oo isugu jiray Soomaali iyo Ethiopian ay ku dhawacmeen.
Wakaalada oo sheegtay in ay la xiriirtay Taliye C/qaadir Shekh Cali Diini ayaa waxa ay xustay in uu u sheegay in uu badbaaday islamarkaana la doonayay in la khaarajiyo sida ay hadalka u dhigtay.
Waxaa jira mugdi badan oo ku aadan sida weerarkaasi qarax ahaa loo soo qaban qaabiyay iyo cida ku lugta leh, waxaana xoge hoose ay sheegayaan in ay looga shaki qabo in ay wax ka ogaayeen xubno ka tirsan maamulka Baydhabo.
Majiraan illo ka madaxbaana Wakaalada Anatolia oo xaqiijinayay in C/qaadir Shekh Cali Diini Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed uu ka badbaaday weeraasi lagu khaarajin rabay.
SDN-Baydhabo
