Uncategorized

Dagaal qasaaro geystay oo xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay

Baydhabo Feb 13 2013 (SDN)– Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in dagaal xoogan ay xalay ka dhaceen gudaha Magaaladaasi. 

Dagaalkan ayaa waxa uu dhaxeeyay sida ay wararku sheegayaan Kooxo ka tirasan Xarakada Al Shabaab iyo ciidamada booliska dowladda Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo ee Koofurta Soomaaliya. 

Dagaalka ayaa yimid markii Al Shabaab ay weerareen fariisin ay Ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen xaafad ka tirsan Magaalada Baydhabo halkaasi oo laga soo warinayo in qasaaro uu ka dhashay. 

Dad goobjoogayaal ah oo ayaa waxa ay sheegeen in ay jiraan tiro dad ah oo wax ku noqday dagaalkan hase ahatee aan si rasmi ah loo cadadi karin tirada wax noqotay. 

Dagaalkan ayaa imaanaya xilli muran uu ka taaganyahay maamulka gobolka Bay o dhawaan dowladda Soomaaliya ay xilka ka qaatay Maamulka uu hogaamiyo C/fitaax Geesey kaasi oo diiday xil ka qaadista lagu sameeyay.

SDN-Baydhabo