Uncategorized

Howlgalo laga sameeyay Magaalada Baladweyne kaddib qarax kadhacay shalay gabaldhicii

Baladweyne Feb 13 2013 (SDN)— Howlgalo lagu xaqiijinayay Amaanka ayaa waxa ay Ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan. 

Kornel Isaaq Cali Cabdulle Taliyaha Ciidanka booliska gobolka Hiiraan oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in howlgal balaaran ay Ciidamada booliska gobolka ka sameeyeen Magaalada Baladweyne kaasi oo lagu soo qab qabtay boqolaal ruux oo tuhmanaayaal ah. 

Taliyaha Ciidanka Boolika Hiiraan ayaa intaasi ku daray in dadka la soo qab qabtay aysan dhamaantood aheyn kuwo danbiilayaan ah balse lakala shaandheynayo oo cidii aan danbi laheyn la sii deynayo cidii danbi lagu helana la marsiiyo ciqaabta ay leedahay. 

Mr Isaaq ayaa intaasi ku daray in dadka ay soo qab qabteen ay ku jiraan dad xiriir la leh Xarakada Al Shabaab oo uu tilmaamay in ay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan qeybo kamid ah gobolka Hiiraan. 

“Walaal, howlgalku waxa uu ahaa mid balaaran oo lagu xaqiijinayay Amaanka Magaalada, waxaana aan ku soo qab qabanay dad badan oo ay ku jiraan rag xiriir la leh Xarakada Al Shababa hadana baaritaan ayaan ku wadanaa.” Sidaasi waxaa sheegay Kornel Isaaq Cali Cabdulle. 

Kornel Isaaq Cali Cabdulle Taliyaha Ciidanka booliska gobolka Hiiraan ayaa dhanka kale sheegay in Magaalada Baladweyne Amaankeedu uu wanaagsan yahay ismakaraana maalmihii danbe aysan wax dhibtaha oo sidaa loo sheegi karo aysan ka dhicin. 

Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in taasi ay ugu wacantahay howlgalada ay sida joogtada ah uga sameynayaan Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan oo ay sidoo kale ku sugan yihiin Ciidamada AMISOM iyo kuwa Ethiopia. 

Hadalka Taliyaha Ciidanka Booliska Hiiraan iyo howlgaladan ayaa imaanaya xili qarax uu ka dhacay shalay galinkii danbe Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan. 

Sida ay qortay wakaalada wararka u faafisa dowlada turkiga ee anadoliyaan ayaa ku warantay in taliyaha ciidamada xooga dalka Somalia janaraal cabduqaadir shekh  Cali diini uu ka badbaaday isku day Dil oo lagu doonayey in lagu qaarijiyo kadib markii lala bartilmaamaysaday qarax ka dhacay magalada baydhawa ee xarunta gobolka bay ee konfurta SomaliYa.

SDN-Baladweyne