Uncategorized

Dawladda Kenya oo ka hadashay Askarigooda ay Al-Shabaab sheegtay inay khaarajisay

NAIROBI, Kenya, Feb 15 – Kenya said on Friday it had not confirmed the reported execution of its soldier by Al Shabaab militants in Somalia, but hastened to condemn the “barbaric act if indeed it has happened.”

Nairobi February, 15 2013 (SDN)- Dawladda Kenya ayaa ka hadashay qisaasta ay kooxda Al-Shabaab sheegtay inay ku fulisay askari Kenyaan ah oo ay gacanta ku hayeen.

Dawladda Kenya waxay Jimcaha maanta sheegtay in aanay xaqiijinaynin khaarajinta ay kooxda Al-Shabaab sheegtay ee askariga u dhashay Kenya, waxayna ka gaabsaday inay cambaarayso ‘haddiiba uu ficilkaasi fulay.’

Kooxdu waxay xilli hore oo Jimcihii maanta ah sheegtay inay deldeleen askari Kenyaan ah oo ay qabteen dhawr bilood ka hor, waxayna ku celiyeen habjabaad la xidhiidha inay dili doonaan shan kale oo Kenyaan ah, ayna ku jiraan laba masuuliyiin dawladeed ah oo bishii January ee sannadkii hore ay ku soo qabteen magaalada Wajeer.

“Waanu maqalay wararkan, laakiin rasmi ahaan maanu xaqiijinin,” ayuu yidhi Afhayeenka Milateriga Kenya Mr Cyrus Oguna oo khadka telefoonka ugu waramay shabakada wararka Capital FM News ee Kenya.

Waxa uu sheegay inay rejaynayaan in aanay khaarajintaas la sheegay dhicin, laakiin haddii arrintu sidaas tahay, ay ku cambaarayn karaan sida ugu adag ee macquulka ah.

Qurbejoog.com, Nairobi