Baladweyne Feb 16 2013 (SDN)— Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Shabaab ay isaga baxeen qeybo katirsan gobolkaas.
Dad kusugan degmada Maxaas ayaa soo sheegaya in ciidamadii Shabaab ay isaga baxeen magaaladaas iyo qeybo kale oo katirsan gobolka Hiiraan.
Gudoomiyaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Muumin Maxamed Xalane ayaa xaqiijiyay ka bixitaanka Shababa ee Maxaas iyo qeybo kale oo gobolkaas ah.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidamadooda ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugali doonaan Magaalada Maxaas ayna kusii socon doonaan deegaanada kale ee ay Shabaab kaga sugan yihiin gobolkaas Hiiraan.
SDN-Baladweyne
