Muqdisho Feb 16 2013 (SDN)— Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu tilmaam ka bixiyay habka ay tahay in loo wajaho maamul u sameynta Gobalada dalka.
Xaad ayaa xusay in marka maamul loo sameynayo gobolada la doonayo in laga qeyb galiyo dhamaan dadka deegaanka, iyadoo loo eegayo ilaa heer tuulo markaasi ayuu sheegay in uu soo bixi karo maamul loo dhan yahay.
Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay inuu arko qorshaha la doonayo in haatan lagu hirgaliyo federaalka mid lagu deg degayo waxaase uu soo jeediyay in ka hor inta aan maamul la sameyn la dhameeyo caqabadaha jira sida in gacanta lagu dhigo dhamaan deegaanada ka maqan dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya oo federaal ah ayaa wajaheysa culaysyo badan oo ay ka mid tahay maamul u sameynta dalka iyo amaanka iyadoo Dowladda Soomaaliya iminka maamulada qaar ee Gobalada dalka badashay.
SDN-Muqdisho
