Addis Ababa Feb 16 2013 (SDN)– Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda dalka Sudan,dowlada Itoobiya ayaa iminka dooneysa inay kordhiso dagaalada ay kula jirto dagaalyahanada Al-shabaab ee xariirka la leh Al-Qaa’ida iyo waliba dagaalyahano kale oo ka jira wadamada Africa.
Saraakiishaan ayaa hoosta ka xariiqay in Itoobiya dhowr jeer hanjabaadyo qalqal-gilinaya dhanka ammaanka ay kala kulmeen Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya,taasina lagu sheegay inay tahay sababta ugu weyn ee itoobiya ku dhalisay in diyaaradaan Droneska ay soo saarto.
Dowlada Itoobiya ayaa ka mid ahaa wadamada ciidamadooda ay kula dagaalamayaan Al-shabaab Soomaaliya,kuwaasi oo gacan Malitari siinaya dowlada Soomaaliya oo dagaalo kala soo horjeedaan dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Itoobiya ayaa sanadkii 2011,heshiis soo saarista dhanka Diyaaradaha Droneska waxay la saxiixatay Maamulka Isra’il,si markaasi itoobiya ugu fududaato soo saarista diyaaradahani.
