Hadaba waxaa la gudboon in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo si cad u baadho ujeedada laga lahaa kulankan fashilka ah ee loo maleegay Madaxweynaha iyadoo aynu ku jirno xili xaasaasi ah oo cadaw badani inagu xeeran yahay iyadoo aad moodo in cadowga loo tusayey in Madaxweynaha Shacabkiisu neceen

London 17Feb13(qurbejoog) Ku Xigeenka wakiilka Somaliland u fadhiya dalka boqortooyada ingiriiska ahna ku simaha Wakiilka Eng. Xuseen Cali Jibriil ayaa qoraal uu warbaahinta soo gaadhsiiyey wuxuu si weyn iskaga fogeeyey in xafiiska safaaradda Somaliland ee dalka ingiriisku uu wax gacan ah ku lahaa kulankii dhawaan madaxweyne Siilaanyo la yeeshay tiro ku dhaw 20 xubnood, wuxuuna sheegay in ciddii soo qaban qaabisay kulankaasi ay ugu tallo galleen inay ceebayaan madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo isagoo sheegay inay ahayd fadeexad weyn oo ah in si mugleh baadhitaan loogu sameeyo.
Qoraalka saxaafadda uu soo gaadhsiiyey danjirahu wuxuu ku yidhi sidani:
“Sida aad la socoteen Waxaa maalintii Salaasada ee 12/2/2013 ka dhacay Kulan uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud ( Siilaanyo ) la yeeshay koox yar oo reer Somaliland ah oo lagu qabtay Galbeedka Magaalada London, kulankan oo ahaa mid afduub ah lana qarinayey ayaa wuxuu Madaxweynuhu kala kulmay Weji gabax aanu jeclaysan ka dib markii qol yar loogu keenay dad aan ka badnayn 50qof iyadoo madaxweynuhu filayey inuu la kulmayo Jaaliyada reer Somaliland ee degan Uk oo ah tan ugu balaadhan qurbajooga.
Kulanka Madaxweynaha iyo dadkaas kooban waxaa ka muuqday isku dhex daadsanaan iyo nidaam daro oo aan hab maamuus leh madaxweynaha iyo weftigiisa lagu qaabilin, waxa goobta soo camiray dad aan badankooda la garanayn iyo inta badan oo ahayd masuuliyiin dawladeed iyo xildhibano.
Waxa goobta ka maqnaa Taageerayaashii Xisbiga Kulmiye iyo Gudigii Fulinta ee UK oo aan kulankan kaba war qabin marka laga reebo Gudoomiye ku xigeenka koowaad ahna ku simaha gudomiyaha Mr. Xariir oo xili danbe loo yeedhay,, waxa goobta ka maqnaa Gudoomiyihii Qurbajooga oo ahaa udub dhexaadkii isku xidhi lahaa jaaliyada iyo Xukuumada oo isu casilay sababo nidaam daro darteed, waxaan goobta ka soo xaadirin Haween weynaha Somaliland oo jecel Madaxweynahooda weligoodna aan ka maqnaan goobta lagu soo dhoweynayo madaxweynaha.
Hadaba kulankan oo ahaa mid aad moodo in Madaxweynaha loogu talo galay in cidla la taago oo lagu fadeexadeeyo si loo yidhaahdo dadkii wuu ku nacay ayaan isku deyey inaan ogaado halka sartu ka qudhuntay iyo cadowga ka danbeeyey sidan foosha xun ee wax u dheceen ee weliba inta la soo kaxaystay Nin Camara man ah la yidhi waxaad duubtaa madaxweynaha oo xanaaqsan su,aalo adagna la weydiinayo ka dibna websityada ku faafi.
Waxaa ragii loo filayey inay fadeexadan ka danbeeyeen iyagoo lacag ku lunsanaya oo uu ka mid yahay Khadar Cali Gaas & Baashe ( inanka Madaxweynuhu Sodoga u yahay ) ay eedii u xambaariyeen Ku simaha Safiirka Daahir Tukaale & Kaysar Abdilahi oo Safiirka weyn lagu magcaabo, waxayna yidhaahdeen Nimankaas safaarada looga tegey ayaa sidaas wax u maamulay oo eeda leh, balse Ku simaha Safiirka Md. Daahir Tukaale ayaa si cad ugu beeniyey arinkaas golaha Kulmiye Emailgroupka isagoo laftiisu ka cawday in shantii galabnimo ee Salaasada oo laba saacadood ka dib shirku dhacayo loo soo diray Tax Masage loogu soo qoray adreska hotelka kulanku ka dhacayey taasina ay ka yaabisay oo uu qaadan waayey balse uu cago jiid ku yimi meesha.
Hadaba waxaa la gudboon in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo si cad u baadho ujeedada laga lahaa kulankan fashilka ah ee loo maleegay Madaxweynaha iyadoo aynu ku jirno xili xaasaasi ah oo cadaw badani inagu xeeran yahay iyadoo aad moodo in cadowga loo tusayey in Madaxweynaha Shacabkiisu neceen oo uu cidla taagantahay, waxaan anigu ka war qabay iyadoo Jaaliyada Somaliland ee London inteeda badani ay kulan degdega isugu yimaadeen maalintii Axadii ee 10/2/2013 iyagoo ka arinsaday sidii ay Hotel weyn ugu soo kirayn lahaayeen Madaxweynaha oo si weyn oo qurux badan loola kulmo loona soo dhoweeyo, balse waxaa isku fuuqsaday markii arinta ay afduubeen koox dhaqaale doona oo uu hogaminayo Khadar Cali Gaas kuna xidhan Maxamed C/laahi oo intay gurigiisa isla Axadaas ugu tageen kula heshiiyey inuu lacag u dhiibo oo ay Hotel soo kireeyaan halka Jaaliyadu iyagu isa saareen lacagtii Hotelka lagu soo kirayn lahaa halkaana uu ku burburay kulan weynihii Jaaliyada iyo Madaxweynuhu ee ay Jaaliyaduhu qorshaynayeen.”
qurbejoog, London Office